Dadweynaha dalka ku yaal; Baramaha Qaarada America ee Guatemala ayaa taariikhda ku galay inay madaxweyne u doorteen in hore u ahaan jiray Majaajiliiste dadka ka qosliya oo ku caan baxay Riwaayadaha, kadib markii ay ka daaleen xisbiyada iyo siyaasiyiinta dalkaasi oo mususmaasuq xadka dhaafay uu la degay.
Majaajiliistaha isu bedelay siyaasiga waa ninka lagu magacaabo Jimmy Morales oo ah 46 sano jir ayaa doorashii guud ee dalkaasi ka dhacay wuxuu ka hadley codadkii ugu badnaa isagoo ku guuleystay 67%. Madaxweynaha cusub ayaa markii uu guuleysay sheegay in shaqadiisii hore aanay culeys ku ahayn balse ay faa;iido u keenay isaga, wuxuuna dadkii doortay uga mahad celiyay kalsoonida ay siiyeen.
Ololihii doorashada ee Jimmy Morales oo siyaasiyiin badan ay ku jeesjeeseen ayaa ahaa mid iska caadi isagoo dadka u sheegay inuusan wadan awood weyn iyo sixir uu dalkaasi ku bedelayo, balse uu hayo wadaniyad iyo inuu dalkiisa daacad u yahay, taasoo ahayd intii dadweynaha dalkaasi ay ka waayeen siyaasiyiinta musuqu dilooday ee dalkaas.
Waxaa tartanka kula jiray haweeneydii madaxweynihii hore ee dalkaasi oo musuqmaasuq ku caan baxay Sandra Torres oo 59 jir ahayd waxayna codadkii dadka ka heshay oo kaliya wax ka yar 33% . arrimahan oo dhan ayaa dhacay Axadii markii reer Guatemala ay codkooda dhiibteen una ogolaadeen nin hore u ahaa Majaajiliiste inuu madaxweyne isu bedelo.
Guatemala, waa dal ay dadkiisu dhan yihiin 15 million, waana dal ay hareeyeen fadeexado musuqmaasuq oo ay isu casileen madaxweynihii dalkaasi ku xigeenkiisii iyo inta badan golihii wasiirada dalkaasi.
Xulashada Wadani.com