Ciyaaryahanka asalkiisu Soomaali yahay oo dhowaan la siiyay dhalashada Sacuudiga ayaa ka mid noqonaua xulka Boqortooyada Sacuudiga ee ka qeyb galaya ciyaaraha koobka Adduunka ee Ruushka 2018.
Wiilkan oo lagu magacaabo Mukhtaar Ali Afgooye ayaa si rasmi ah loogu daray Xulka Kubadda cagta ee Sacuudiga, markii la siiyay Baasaboorka dalkaasi.
Mukhtaar Ali ayaa ku dhashay magalada Maka ee dalka Sacuudiga sanadkii 1997, wuxuuse u wareegay Ingiriiska, isagoo ka mid noqday da’yarta Kooxda K/cagta ee Chelsea, ka nabaxay Akadeemiyada kooxdaas. Muqtaar ayaa kooxda Chelsea kula guuleystay Koobka da’yarta ee FA Youth Cup iyo Koobka da’yarta Horyaalada Yurub ee Uefa Youth Cup sanadihii 2015/2016.
Wuxuu ka mid ahaa ulka Ingiriiska ee da’dooda ka hooseyso 17 sanojirka. Wuxuu mah ahaan ugu biiray Kooxda ka dhisan Horyaalka Holland ee Vitesse Arnhem sanadkii hore, isagoo u saxiixay heshiis joogto ah.
Laacibkan Mukhtaar Cali oo 19 sano jir ah ayaa ah ciyaaryahan xirfad sare leh, isagoo ka ciyaara Khadka Dhexe, wuxuuna tariikhda ku geli doonaa laacibkii ugu horeeyay ee Soomaali kasoo jeeda ee ka qeyb gala Koobka Adduunka.
SAWIRRO