Laacibka ciyaarta Kubadda Cagta ee Kooxda Barcelona iyo xulka Argentina Lionel Messi ayaa lagu xukumay xabsi gaaraya 21 bilood kadib markii lagu helay dacwad muddo soo taagneyd oo ku saabsan inuu la baxsaday canshuur kuna sameeyay is daba marin.
Sidoo kale Mesii aabihii Jorge Messi, ayaa isna lagu xukumay isla xabsigaas kadib markii lagu helay inuu is daba mariyay bixinta lacago canshuur ah dalka Spain, taasoo gaareysa €4.1 Milyan Euro (£3.5m; $4.5m) intii u dhaxaysay 2007 iyo 2009.
Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa maanta xukunkan ku riday Mesi iyo aabihiis, waxaana lagu ganaaxay lacag dhan 3.7 Nilyan oo Euro.
Laakiin waxaa cad in xukunkaasi aan la fulin doonin oo la joojin doono sida dalka Spain lagu yaqaan lama fuliyo dacwadaha koowaad ee aan ahayn dembiyada gacan ka hadalka ah ee xilligoodu ka hooseeyo 2 sanadood.
Maxkamadda oo ku taalla gobolka Barcelona waxay ku heshay Messi iyo aabihiis Jorge Horacio Messi inay adeegsadeen shirkado laga leeyahay dalalka Belize, Britian, Switzerlan iyo Uruguay si ay uga fakadaan inay bixiyaan canshuur dhan 4.1 Milyan o Euro oo laga doonayay lacagaha soo gala laacibka Messi ee uu ka helay muuqaalkiisa iidhehda loo adeegsado sanadihii 2007 iyo 2009.
Waxaa la qariyay lacagihii uu Messi ka helay shirkadana Danone, Adidas, Pepsi-Cola, Procter & Gamble iyo Kuwait Food Company.
Messi oo 29 sano jir ah, muddo 5 jeer ah ku guuleystay laacibka FIFA, waxaa lagu ganaaxay 2.09 milyan oo Eeuro, halka aabihii la ganaaxay lacag dhan 1.6 milyan Euros. Waxay xukunka ka qaateen rafcaan.
Messi ayaa u sheegay Maxkamadda oo socotay ilaa Isniintii hore 4 June in arrimihiisa dhaqaalaha ku aaminay aabihii oo aanu haba yaraatee waxba kala socon sida loo maareeyay dhaqaalihiisa.
Wadani.com