Laacibka heer caalami ee Lionel Messi ee xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ayaa qarka u saaran inuu wajaho xabsi gaaraya 22 bilood, haddii lagu helo denbi ah inuu dowlada Spain ka khiyaameeyay canshuur, lana baxsaday lacagtii canshuurta ahayd ee laga rabay sanadihii 2007-2009.
Qareeno difaacaya oo jawaabay denbiga lagu eedeeyay Messi ayaa ku dooday in xiddiga reer Argentina aanu shaqo ku laheyn kiiskaan kadib markii isaga iyo aabihiis lagu soo oogay la fakadeed oo aanay bixin canshuur gaareysa 4.1 milyan oo Euro.
Kiiska Messi waxaa isku khilaafsan Xeer ilaaliyaha guud ee dalka iyo dembi oogaha Gobolka Catalonia. War ay soo saartay kooxda Barcelona ayaa lagu sheegay inay ka naxeen dacwada lagu soo oogay Laacibkooda Messi oo ay diyaar u yihiin inay garab istaagaan xaaladan adag.
Dacwada ugu weyne waxaa lagu heystaa Mesii aabihiis Jorge, iyadoo haddii dacwadani hore u socoto Messi lagu difaaci doono inuusan waxba ka ogeyn.
Messi oo hadda dhaawac uga maqan ciyaaraha ayaa arrintan waxay ku noqotay isaga iyo kooxdiisa mid lama filaan ah, waxaana dembi baaraha iyo xeer ilaaliyaha guud ee arrintan ka dhaxeyso khilaafkoodu keenayaa in fursad uu ka helo ciyaaryahankan caanka ah.