Qaar ka mida beelaha Soomaaliyeed ayaa si weyn uga hor yimid qaabka loo magacaabay Guddoomiyeyaasha cusub ee G/Banaadir.
Beelaha Saruur H/Gidir iyo Beesha Jareerweyne ayaa qaadacay maamulka Gobolka Banaadir iyadoo ku eedeeyay inuu duudsiiyay xuquuqdii ay ku lahaayeen Gobolka Banaadir iyo Caasimadda.
Beesha Saruur ayaa guddoomiye ay ku lahaayeen meesha laga saaray, halka Beesha Jareer oo si weyn u degta Gobolka Banaadir aan lagu soo darin isbedelka Gobolka ka dhacay ee maamulka degmooyinka la gaarsiiyay beelaha Soomaaliyeed.
Xildhibaanada iyo odayaasha beelaha labadan beelood ayaa wada olole ay uga horjeedaan qaabka loo maamulay magacaabidda guddoomiyeyaasha G/Banaadir, waxaana ay raadinayaan sidii ay xaqooda uga heli lahaayeen gobolka laga wada dhex muuqdo.
Wadani.com