Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Laba halis oo ka dhalaneysa xubnaha Aqalka Sare laga siiyay Beelaha Banaadiriga [Warbixin]

    Laba halis oo ka dhalaneysa xubnaha Aqalka Sare laga siiyay Beelaha Banaadiriga [Warbixin]

    June 24, 2016Updated:June 24, 20162 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa warkii hordhaca ahaa ee ku saabsanaa in laba xubnood Beelaha Banaadiriga laga siiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya sida uu saxaafadda u dusiyay guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar.

    Shirka Madaxda Madasha Qaran ee ka socda Baydahaba ayaa looga dooday in beel dhan ay ka maqan tahay Baarlamaanka Aqalkiisa sare oo hore muran uga jiray in laga tegay Gobolka Banaadir, waxaana arrintaasi ay keentay dood kale oo arrintan ka dhalatay.

    Madaxda Madasha ayaa gareystay in dhammaan maamulada loo qeybiyay xubnaha aqalka sare ee Baarlmaanka aanay jirin meel ay kasoo geli karaan xubno ka socda beeshan oo keligood beel ahaan looga waayay Aqalka Sare, waxaana la isla gartay in laba xubnood loogu daro.

    Arrintan waxay dhinaca kale horseedi doontaa laba arrimood oo ka culus arrinta la doonayo in lagu xaliyo:

    1. In Gobolka Banaadir oo rasmi ahaan uga maqnaado Aqalka Sare lagana tago.
    2. In Aqalka Sare ee Baarlamaanka uu noqdo mid wax sharci ku fadhin, isla markaana lahayn qaab uu ku saleysan yahay.

    Qodobka hore wuxuu caddeynayaa in qorshihii ahaa maqaamka Gobolka Banaadir iyo Guddigii la sheegay in loo saaray sidii Caasimadda  xubno ugu yeelan lahayd aqalka sare uu meesha ka baxayo, waxaana taasi ku imaaneysaa in beel ka mida beelaha Muqdisho dega si gaara loo maamuusay, haddii aan si kale loo dhigin arrintan.

    Qodobka labaad oo ugu darran waa qaabka loo dhisayo Aqalka sare oo markii ugu horeysay ay tahay inay Soomaaliya yeelato. Aqalkan oo dad badan ka hor jeedaan inuusan munaasib ku ahayn dalka, ayaa waxaa hadda muuqata inuu noqday Baarlamaan  ashaamud aan sal sharciyeed iyo qoonde uu ku saleysan yahay aanay jirin.

    Waxaa markii hore lagu qeybiyay maamul goboleed, laf ahaantiisa mala awaal ahaa markii lagu daray Somaliland, kadibna xubnod dheeraad ah la siiyay Puntland iyo Somaliland. Waana sababta looga tegay Gobolka Banaadir ee caasimadda ah.

    Waa marka labaade waxaa haddana lagu soo kordhinayaa xubno qaab qabiil ku imaanaya, tani oo ka dhigeysa in dhismaha Aqalka sare uu noqonayo mid aan sal lahayn oo ay dhib noqon doonto.

    Wadani.com

    Aqalka sare Aqalka sare ee Baarlamaanka Doorashada 2016 Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleJinsiyadda Soomaalida: (Dhiig iyo u Dhalasho, Mase Dhul iyo ku Dhalasho -W/Q: Maryan Cariif)
    Next Article LA-YAABKA DUNIDA: Nin Kuweyti oo mar qura wada guursaday 4 xaas [DAAWO]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo