Maxkamad federaali ah oo Mareykan ah ayaa xukun ku riday laba haween oo Soomaali-Mareykan ah kuwaas oo ku eedeysnaa in ay lacago u aruuriyeen ururka Al-Shabaab.
Muna Osman Jama, oo ah 36, iyo Hinda Osman Dhirane oo 46 sano jir ah ayey Maxkamada bariga gobolka Virginia ee dalkan Mareykanka ku heshay danbi ah inay qadka telefoonka ku abaabuleen koox haween ah oo gaareysa ilaa iyo 15 kuwaas u ururiyey lacago kooxda aragagixisada ee Al-Shabab.
Muna ayaa waxaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah, halka Hinda Osman lagu xukumay 11-sano oo xabsi ah, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha. “Dumarka ma aysan diidin in ay dhaqaalo ku taageereen Al Shabaab, ayna internet-ka ka sameeyeen qol lagu sheekeysto si Al Shabaab loogu taageero lacag”, sidaasi waxaa yiri xeer ilaaliyaha.
Muna Cusman Jama, oo ka mid aheyd Soomaalida degan magaalada Reston ee gobolka Virginia, iyo Hinda Cosman Dhiirane, oo daganayd degmada Kent ee gobolka Washington, ayaa la xiray bishii July ee sanadki 2014, isla waqtigaas waxaa la xiray Farhia Hassan oo ay xabsiga u taxaabeen booliska dalka Holland oo ka mid aheyd kooxda ka koobneyd 15-ka haween.