Laba ka mida milkiilayaasha Warbaahinta Soomaalida ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa u sharxan doorashooyinka 2016.
Labadan milkiile ayaa u kala sharxan jagooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyagoo ololeyaal doorasho oo xoog leh ka wada Magaalada Cadaado, inkastoo ay wajahayaan tartan adag.

Milkiilaha Warbaahinta Wadani Fm, Radio Goolfm, Maandeeq Radio ninka lagu magacaabo Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa u sharxan xilka Aqalka Sare ee beeshiisa, isagoo magaalada Cadaado ka wada olole balaaran oo uu doonayo inuu ku soo galo Aqalka Sare, waxaana loolan weyn kula jira gacan-yarihii hore ee Xasan Sheekh, ahaana agaasimihii hore ee Madaxtooyada Kamaal Guutaale.
Abshir Bukhaari ayaa arrimaha siyaasadda hore uga soo shaqeeyay wuxuuna gacanyare u soo ahaa madaxweynihii hore ee KMG ahaa Shariif Sheekh Axmed intii aanu maalgashi ku sameynin warbaahinta.
Milkiilaha Dalsan Radio Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib) ayaa isna olole ugu jira inuu ku guuleysto xilka Xildhibaanka Aqalka hoose ee beeshiisa, iyadoo loolan adag uu uga furan yahay musharixiin dhowr ah, waxaana la sheegay in rajadiisa ay tahay meel dhexaad.
Maxamed Cajiib ayaa ku koobneyn dhinaca Warbaahinta wuxuuna madax u yahay urur dhalinyaro, isagoo dhaqdhaqaaqyo kala duwan ka wada Koofurta Soomaaliya.
Labadan milkiile ee Warbaahineed ayaa la saadaalinayaa inuu midkood ama ugu badnaan labadaba ay gaari karaan hamigooda xilligan oo musharaxnimada xilalka Hay’adaha sharci dejinta ay noqotay mid baahday.
Wadani.com
UGAARA GOOBJOOGE.COM