Laba ka mida xildhibaanadii ugu cadcadaa ee ku taageeray madaxweynaha mooshinkii lagu riday xukuumadii C/weli Sheekh Axmed ayaa la sheegay inay rajo xumo ka qaadeen qorshaha ka socda madaxtooyada ee magacaabidda ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Rajo xumada ugu weyn ayaa soo wajahday Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ahaa xubnihii ugu cadcadaa ee safka hore uga jiray kooxda taageersan madaxweynaha, kadib markii laga fogeeyay rajadii ahayd in loo magacaabo jagada Ra’iisal wasaaraha, isagoo aad uga carooday wararka ka soo baxaya madaxtooyada ee ah inaanu ka mid ahayn shaqsiyaadka ku jira liiska ra’iisal wasaaraha cusub.
Saaxiibada madaxweynaha ayaa Cabdi Xoosh gaarsiiyay inuu wasiir heli doono, balse aysan suuragal ahayn jagadii hore loogu sheegay ee ahayd Ra’iisal wasaare xiligii ololaha mooshinka socday, taasoo keentay inuu si weyn uga xumaado balanqaadka looga baxay.
Quusta labaad waxay soo wajahday Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo la sheegay in loo balanqaaday arrimo ay ka mid yihiin shaqsiga ra’iisal wasaaraha noqonaya in isaga lagala tashan doono, lana qaadan doono soo jeedintiisa. Xildhibaankan ayaa musharixiisa jagada ra’iisal wasaaraha uu yahay CALI XAAJI XERSI oo hadda haya xilka wasiirka waxbarashada Puntland, laakiin waxaa soo food saaray loolan adag oo uga imaanaya kooxda madaxweynaha, waxaana musharaxan laga saaray liiska safka hore ee jagadaas loo magacaabayo.
Warar kale ayaa sheegaya in Xildhibaan C/qaadir Cosoble qandaraasyo dhaqaale loogu bedelayo taageerada uu siiyay madaxweynaha taasoo ah ka mid tahay in lagu wareejiyo hanti Qaran. Arrintaas oo Wadani.com baaritaan ku heyso waxaan idin soo gudbin doonaa marka aanu wada helno akhbaartaas.
Waxaa hore loo saadaaliyay in balanqaadyada jagooyinka iyo danaha kale ee dhegta loo sheegay xildhibaanadii taageeray madaxweynaha ee fuliyay mooshinkii lagu riday xukuumadda C/weli aanay ka fuli doonin wax ka badan 30%, markaas oo ay bilaaban karto gadood siyaasadeed
kale oo isla taageerayaasha madaxweynaha ka dhex dhaca.
Wadani.com
London
[ad name=”HTML”]