Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya inuu Qarax Miino ka dhacay xaafadda Magaalo-Cad, kaasoo qasaare dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyey.
Hal qof ayaa ku dhintay qaraxa, waxaana ku dhaawacmay dhowr kale, kadib qaraxa oo ka dhacay goob ganacsi oo lagu qayilo ku taalla agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.
Waxaa qaraxa ku geeriyooday sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo lagu magacaabi jiray Maxamed Baxwal, halka dadka ku dhaawacmay la geeyay isbitaalka magaalada Boosaaso. Dadka qaraxa ku dhawacmay waxaa ka mida Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska oo lagu magacaabo Axmed Jaraale.
Sidoo kale saacdo ka hor waxaa magaalada Boosaaso lagu dilay taliyihii hore ee kaantaroolka Boosaaso, Kabtan Maxamed Jaamac Guduudane. Laamaha ammaanka gobolka Bari ayaa weli ka hadlin labada dhacdo ee maanta ka dhacay Boosaaso.
Kabtan Barkhad Maxamed ayaa lagu dilay xili uu marayey agagaarka suuqa wayn ee magaalada Boosaaso. Dilkan ayaa imaanaya iyadoo ay mudooyinkan ay magaalada ka nasatay dilal qorsheysan oo lala beegsan sarakiisha dowladda iyo qaar ka mid ah shacabka magaalada.
Alshabaab ayaa sheegtay qaraxa ka dhacay magaalada Boosaaso iyo sarakiisha ciidamada ee lagu dilay sida ay baahisay warbaahinta taageerta.
