Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Shariif Sheekh Axmed iyo ku xigeenkiisa Shariif Xasan Sheek Aadan ayaa kulan magaalada Nairobi kula yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).
Qoraal uu soo saaray Axmed Madoobe ayuu ku sheegay in halka uu degan yahay uu kusoo booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku booqdey, ayna ka wadahadleen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Doorashada 2020/2021.
Waxaa kaloo kulanka kaloo ka qeyb galay madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mida madaxda Madasha Xisbiyada Qaran. Madasha Xisbiyada ayaa dhinaceeda sheegtay in kulanka looga hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka soo socda.