Burcad hubeysan ayaa habeenkii Khamiista ku dilay magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Africa, laba wiil oo walaala ah oo ka mid ahaa Soomaalida ku gacansata dalkaasi.
Cumar Salaad Xaashi iyo walaalkiis ka yar Libaan Salaad Xaashi, ayaa waxaa lagu toogtay dukaan ay ku lahaayeen magaalada Johannesburg, halkaasoo isla markiiba ay ku dhinteen, waxaana goobta tegay ciidamada Booliska K/Afrika.
Dhacdadan ayaa ka mida dilal xiriir ah oo Soomaalida ku ganacsatada K/Afrika iyo ajnabiga jooga dalkaasi loo geysto, iyadoo kiiskan xanuun gaara ku reebay qoyska labada wiil ee Soomaalida ah.