Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Laba Xiddigle Bashiir: Tusaalihii Daacadnimada

    Laba Xiddigle Bashiir: Tusaalihii Daacadnimada

    August 30, 2016Updated:August 30, 20162 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Tiro dad ah oo isugu jira ciidan iyo rayid ayaa ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay laamiga hor mara madaxtooyada Soomaaliya.

    Shahiid-BashiirInta dhimatay Allaha u naxariista inta dhaawacan tayna Eebbe ha bogsiiyo.
    Dadka dhintay waxaa ku jira Allah ha u naxariistee Laba xiddigle Bashiir oo ahaa askari muddo dheer ka shaqeynayay Illinka hore ee laga soo galo madaxtooyada.

    Wuxuu ahaa nin wanaagsan. Wuxuu ahaa askari daacad ah. Wuxuu ahaa nin dhowrsan oo dad la dhaqan wanaagsan.

    Wuxuu ahaa nin aad u af gaaban oo aan dadka la murmin. Wuxuu ahaa nin aan dadka dhibin oo si nabad doonimo ah u kala haga gaadiidka faraha badan ee maalin kasta gala kana soo baxa madaxtooyada.

    Ma maleynayo in uu jiro qof 3 jeer ka badan dan ka yeeshay madaxtooyo oo aan xusuusan Bashiir – Waa Suurto gal in uusan magaciisa u aqoon.

    Bashiir waxa uu tilmaan u ahaa askariga wanaagsan ee ku dayashada mudan. In ka badan 7 sano oo aan Albaaskaas galayay ama ka soo baxayay waan arkayay Bashiir, isagoo labbisan, waliba si wanagsan u labbisan.

    Waligii ma arkin isagoo kala daadsan, Isagoo dad la murmaya ama isagoo xanaaqsan. Inta badan dadka jidkaas adeegsada wuu bar garanayay,qofkii uusan garanna wuxuu weydiin jiray caddeyn iyo aqoonsi tii u fudud.

    Ma garanayo waxa loogu daro Bashiir. Waa tusaale cad oo ka markhaati kacaya dhowrsanaantiisa. Intii arki jirtay ama la macaamishay waan hubaa in ay sidaas la tahay.
    Qarax hore oo isla goobta ka dhacay, ayuu Bashiir ku dhaawacmay, balse dhaawacaas wuu ka kacay.

    Ilaahey doonistiisa ayay ku ahaatay in uu maanta ku naf waayo qarax gaari, isagoo u taagan shaqo maalmeedkiisa, una adeegaya dalkiisa iyo dadkiisa.
    Samaanta Bashiir waxaa ka markhaati kacay bani’aadmigii la macaamilay oo dhan.

    “Ummaddeydu Xumaan iskuma raacdo” Sidaas waxaa yiri Nabigeenna NNKH.
    Allaha u naxariisto Laba xiddigle Bashiir, Tusaalihii Askariga Wanaagsan, Waddaniga daacadda ah iyo Howl-kama daalaha anshaxa leh.

    LiibaanMas’uuliyiinta Qaranka ugu sarreeya kuwii hore iyo kuwa hadda jooga, oo aan hubo in ay si fiican u garanayaan daacadnimadii iyo howl karnimadii Marxuum Bashiir, waxaa xil ka saaran yahay daryeelka qoyskii Bashiir oo dalkaan u dhibtooday, u dhaawacmay, una dhintay.

    W/Q: Liibaan Cabdi Cali

    Laba Xiddigle Bashiir Liibaan Cabdi Cali Tusaalihii Daacadnimada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDHAGEYSO: Afhayeenka guud ee Alshabaab oo bishaaro ka dhigay Qarixii Hotel SYL
    Next Article Maamulka Jubba oo xabsiga dhigay weriye ka howlgala Magaalada Kismaayo

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo