Laba musharax oo middi kasoo jeedo beelaha laga tirada badan yahay ee la heyb sooco ayaa taariikh aan hore loo arag ka dhigay Doorashada Goleyaasha Wakiilada iyo Degaanka Somaliland.
Labadan shaqsi ayey bulshada magaalada Hargeysa ku dooratay codadkii ugu badnaa ee musharax kaliya uu helo Doorashada oo dhan, waxayna noqdeen astaan ay Doorashada Somaliland ee 2021 ay gaarka u leedahay.
C/kariin Axmed Mooge: Waa musharax doorashada aan ku gelin qaab qabiil, waxaase dhalay fanaankii caanka ahaa ee Soomaalida Axmed Mooge, isagoo kusoo baxay codadkii ugu badnaa oo gaaraya 26,000. C/kariin waxaa loo doortay Golaha Degaanka caasimadda Hargeysa.
Barkhad Jaamac Batuun: Waa Musharax kasoo jeeda beesha Gabooye, wuxuuna ku ololeeyay nolosha ay ku jiraan dadka uu kasoo jeedo, isagoo soo jiitay taageerada dadka Hargeysa oo codkooda ugu hiiliyey, wuxuuna helay codad dhan 20,231; waxaana loo loo doortay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland.
Labadan musharax ee lasoo doortay waxay macne iyo xiisad gaara u yeeleen Doorashada Somaliland oo inkastoo ay muddo dheer dib u dhacday, haddana muujisay sida codka dadweynaha u bedeli karo dadka hoggaaminaya iyo awoodda cod bixiyeyaasha.
Doorashada C/kariin iyo Barkhad waxaa soo dhoweeyay Soomaali badan oo aan ku koobneyn dadkii doortay, waxaana marka la dhaariyo kadib u bilaabanaya imtixaan cusub iyo inay kasoo dhallaalaan rabitaanka dadkii soo doortay.
