Dowladda Soomaaliya ayaa xalay lacag mushaar ah u dirtay ciidamadii gadoodsanaa ee Gobolka Sh/Dhexe oo dhowaan kasoo baxay fariisimihii difaaca ay uga jireen iyagoo yimid degmada Balcad.
Qaar ka mida saraakiisha iyo ciidamada fadhiya Saldhigga Hiilweyne ee degmada Balcad iyo Degaanka Ceelcadde ayaa xaqiijiyey inay u soo dhacday lacag mushaar oo dhan laba bilood, iyagoo intii la diiwaangeliyey ay heleen lacagtaasi.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay u soo dhacday lacagtooda ay yihiin kuwii la diiwaan geliyey ee maray hanaanka diiwaangelinta oo hore Ra’iisal wasaaraha iyo madaxda dowladda ay u sheegeen in la siiyey mushaarkooda, taasoo muujineysa in laga been sheegay arrintooda.
Qaar ka mida ciidamada oo diiwaan gashanaa ayaa sheegay inaysan weli helin wax lacag ah, laakiin Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya oo arrintan daba joogay ayaa la sheegay inuu dadaal ugu jiro sidii loo dhammeystiri lahaa lacagaha loo dirayo ciidamada diiwaan gashan oo qaarkood la filayo inay helaan ilaa maanta.
Xaqiiqada soo shaac baxday ayaa ah in ciidamada, weliba kuwa diiwaan gashay intooda badan aan la siin mushaarka 2 iyo 3 bilood, sida uu qirtay madaxweyne farmaajo, waxaana jira ciidamo si ulakac ah aan loo diiwaangelin oo ciidamada mushaarka la siiyey ay isku aag ku jireen, taasoo keentay gadood iyo khalkhal, waxaana xaaladda uga sii daray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.