Dood ka dhalatay baaritaanka diyaarad u socotay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho oo siday lacag ka badan 13 milyan oo doolar ayaa keentay in muddo saacado ah lagu xayiro Garoonka Muqdisho.
Diyaaradan oo ahayd mid gaara waxaa la socday ciidamo Imaaraad ah oo ka badan 30 askari, waxayna diideen xubnihii la socday in la baaro, iyadoo ay Garoonka ku sugayeen Gawaari iyo mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Imaaradka oo adkeystay in agabka u socda safaaradda aan la baari karin.
Saraakiil ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibadda iyo xukuumada Soomaaliya oo arrinta soo dhex galay markii danbe ayay safaaradda Imaaraadka u sheegtay in lacagtu ku socoto safaaradooda Muqdisho iyo ciidamada Imaaraadku taageero ee Puntland.
Lacagta iyo agab kale oo Safaaradu lahayd ayaa markii dambe loo fasaxay oo la geeyay xarunta NISA ee magaalada Muqidsho, halkaasoo lagu baarayo halka ay ku socoto, iyadoo ay qaadeen saraakiisha NISA.