Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Shabeellada Hoose, isagoo magacaabay gudoomiye cusub oo muddo dheer oo ka badan 10 sano xilkaasi hore u soo hayey.
Waregto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha K/Galbeed ayaa Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Nuur (Siidii) loogu magacaabay guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo xilkaas laga qaaday Ibraahim Cali Najax.
Guddoomiye Siidii ayaa dowladihii C/llaahi Yuusuf iyo Sheekh Shariif soo ahaa guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose, waxaana xikaasi uu hayey ilaa dowladii Xasan Sheekh, waxaana xilka ka qaaday Madaxweynihii hore ee K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan bishii Novembar 2015.
Xil ka qaadista Siidii ayaa timid isagoo waqti dheer dibadda isaga maqnaaday sanadihii ugu danbeeyay, laguna eedeeyay inuu kasoo bixi waayey xilkiisa.