Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 13
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Lafta-gareen oo Qarxiyey Dagaal siyaasadeed Qabyaaladeysan oo ka socda Baraha Bulshada & Mas’uuliyiin badan oo ku biiray

    Lafta-gareen oo Qarxiyey Dagaal siyaasadeed Qabyaaladeysan oo ka socda Baraha Bulshada & Mas’uuliyiin badan oo ku biiray

    December 20, 2019Updated:December 21, 20193 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa dagaal siyaasadeed oo qabyaaladeysan ka qarxiyey Baraha Bulshada, kadib hadal uu ka jeediyey xaflad xalay ka dhacday magaalada Baydhabo oo lagu maamuusay sanadguuradii koowaad ee markii xilka loo doortay.

    Lafta-gareen ayaa ku dhaliilayey siyaasiyiinta in mucaaradka ee kasoo jeeda Gobollada Dhexe, siiba magaalada Gaalkacyo ay been ka faafiyaan xasuuq ka dhacay magaalada Baydhaba, iyagoo aan waxba kasoo qaadin dadkii kasoo jeeday Degaanada K/Galbeed ee lagu laayey magaalada Gaalkacyo, wuxuuna intaas ku daray inaysan aqbali doonin arrintaasi oo uu ku tilmaamay inay siyaasiyiintaasi yihiin kuwo aan xishoon oo ka been sheegaya xaaladda maamulkiisa K/Galbeed.

    Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaannada Federaalka ayaa u jawaabay Madaxweyne Lafta-gareen, wuxuuna sheegay haddii falkii ka dhacay Gaalkacyo uu qabiil u saariyo in isaguna uu qaadayo Mas’uuliyadda dadka ay laayaan Alshabaab, waxayna Jawaabta Xildhibaan Mahad Salaad soo jiidatay jawaabo kale oo ka yimid xildhibaano iyo wasiiro kasoo jeeda K/Galbeed oo si weyn u weerarray Mahad Salaad. [Akhriso]

    Xildhibaan C/fataax Geesey ayaa qoraal ugu jawaabay Xildhibaan Mahad Salaad isagoo sheegay in haddii aanu bixin raaligeln degdeg mooshin anshax ay ka geyn doonaan Baarlamaanka, wuxuuna yiri: “Xildhiban Mahad Salaad waan arkay wuxuu qoray laakin waan wacay si Mar kale aan u hubiyo wuxuu qoray iyo siduu iila hadlay waa is lahaayen xildhiban ka haduu raali gelin deg deg ah ka bixin waayo Isla hada waxaa subaxa Berito ah fadhiga baarlaman ka ka gudbin doonaa moshin ka dhan ah kadibna guddiga anshaxa ayaa la marinayaa si waafaqsan sharciga iyo xeer hoosadka golaha shacabka si looga qaado talaabo waafaqsan dembiga uu galay.”

    Image may contain: text

    Waxaa kaloo Mahad Salaad jawaab diray wasiir ku xigeenka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Aadan Isaaq Cali oo sheegay inay tahay xaasidnimo ka weyn in bulsho dhan lagu tilmaamo inay argagixiso yihiin, lagana fiican yahay in Shabaab laga dhigo qabiil gaara, taasoo aan laga heshiin karin marka argagixiso la isku tilmaamo.

    No photo description available.

    C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mida siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Dhexe ee uu taabtay hadalkii Madaxweynaha K/Galbeed, ayaa isna u sheegay Madaxweyne Lafta-gareen inuu ku fadhiyo kursi dhiig leh oo aanu u qiil sameyn karin dadkii ka dambeeyay xasuuqii ka dhacay Baydhaba oo uu mas’uul ka ahaa Madaxweyne Farmaajo.

    “… Walaalkey C/ casiis lafta gareen, xilligaas xil ma haynin, isaguna amarka dadka lagu laayey ma dhiibin, laakiin kursi dhiig leh ayuu meesha ka qaatay. Ma aha in uu daboolo ama dafiro shacabkii la xasuuqay iyo kuwa xorriyadda laga qaaday ee xabsiga ku jira, ee waa in uu ka shaqeeyaa mag dhaw, dib u heshiisiin, iyo in uu xoriyaddooda u soo celiyo dadka xiran. Dadkii lagu xasuuqay Gaalkacyo waxaa xasuuqay mooryaan beeleed, wuxuuna ahaa fal danbiyeed waxshinimo leh, oo ay mooryaan gaysatay. Reer Gaalkacyo iyo Soomaali oo idil way ka dhiidhiyeen, xitaa kuwii ku dhiiran waayey in ay kalmad ka yiraahdaan xasuuqii Baydhabo…. Walaalkeen Laftagareen waxaan kula talinayaa in uusan waqti ku lumin difaaca Farmajo ee waqti ha geliyo sidii uu kursigiisa dhiigga uga mayri lahaa, dadkiisa la heshiiyo, dadka deegaanka ha heshiisiiyo, inaguna waxaan diyaar u nahay in aan sidaas ku taageerno.” ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.

    Dooda ka dhalatay arrintan ayaa isu bedeshay mid qabyaaladeysan oo ay ka qeyb qaadanayaan siyaasiyiinta iyo xubnaha u dhow ee kasoo kala jeeda labada dhinac, iyadoo aan la isu garaabin oo mararka qaarkood la adeegsanayo ereyo qayaxan.

    C/casiis Lafta-gareen C/fataax Geesey Mahad Salaad Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleLafta-Gareen oo weerarray Siyaasiyiinta Mucaaradka ee kasoo jeeda Gobollada Dhexe & Mahad Salaad oo jawaabay culus u diray
    Next Article Ciidamada Amniga ee magaalada Muqdisho oo xiray Wadooyinka Muhiimka & Wararkii ugu danbeeyay ee xuska…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo