Kooxda Leicester City ayaa ku guulaysatay horyaalnimada Ingiriiska markii ugu horeysay taariikhda kooxdaasi, kadib markii kooxdii ugu soo dhoweyd ee Totenham ay barbarro 2-2 la dhaafi weysay kooxda Chelsea.
Ciyaartan oo ahayd mid ay hareeyeen buuq iyo dagaal labada koox dhex maray ayaa ku dhammaatay barbarro u saamaxday inay Leicester hanato koobkan iyadoo ay rumowday riyo dad badan u arkayeen inaysan macquul ahayn.
Kooxda Leicester City ayaa ahayd koox sanadkii hore qalqiil uga fakatay inay hoos uga dhacdo heerka koowaad, waana koox aan dhaqaale badan lagu bixinin oo meesha ka saartay kooxihii waaweyn ee horyaalka Ingiriiska.
Guusha la yaabka leh ee kooxda Leicester ka gaartay horyaalka ingiriiska waxaa inteeda badan loo aaneynayaa tababarraha reer Talyaani ee Claudio Ranieri oo weligii aan guul sidan oo kale ah arkin iyo laacibiinta kooxda oo muujiyay inaysan lacag badani guul keeni karin.
Wadani.com