Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Liiska dalalka Afrika ee aan laga helin Cudurka Coronavirus & Sababta keentay. (Akhriso)

    Liiska dalalka Afrika ee aan laga helin Cudurka Coronavirus & Sababta keentay. (Akhriso)

    March 31, 2020Updated:April 1, 20202 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iyadoo in ka badan 180 Dal iyo degaan dunida oo dhan uu ku faafay cudurka Covid-19 ee uu keeno coronavirus ayaa haddana qaaradda Afrika waxay ka mid tahay meelaha kiisaska ugu yar laga soo weriyey, isla markaana ilaa lix dal aan weli laga helin cudurka.

    Lix dal oo ka mida 54-ka dal ee Africa ayaa ka mida dalalka sii yaraanaya ee aanu gaarin cudurka, waxayna kala yihii: South Sudan, Burundi, Sao Tome and Principe, Malawi, Lesotho iyo Comoros.

    Qaar ka mida dalalkan waxaa aad u yar isu socodka dadka uga yimaada dibadda, halka intooda badan ay aad u liitaan hay’adahooda caafimaad oo aanay heysna qalabkii ay ku ogaan lahaayeen cudurkan, taasoo keenay inaanba lasoo werin wax kiisas ah.

    SOUTH SUDAN – Dalka Koonfurta Sudan ayaa ah dal dagaal sokeeye ah mar dhow ka joogsaday oo heerkiisa caafimaad uu aad u liito, iyadoo laga digay haddii uu dalkaasi cudurku gaaro inaan waxba laga qaban karin adeegga caafimaad oo aad u kooban dartiis.

    BURUNDI – Dalka Burundi oo ah dal yar oo dunida inteeda kale go’doon uga jira xaaladda siyaasadeed ee dalkaasi awgeed ayaan sidoo kale weli laga soo werin cudurka coronavirus, wuxuuna hadda isu diyaarinayaa doorasho guud oo dhaceysa bisha May 2020.

    SAO TOME AND PRINCIPE – waa jasiirad yar, iyadoo aan laga helin wax kiis ah oo coronavirus ah ayaa loo aaneynaa inaysan awoodin inay sameyso baaritaanada cudurka.

    MALAWI – Waa dal kale oo weli aan laga helin cudurka Coronavirus, mana heysto dalkaasi qalabka lagu baaro cudurka.

    LESOTHO – Waa boqortooyo ku dhex taalla dalka South Africa, waxaa lagu soo rogay bandow 24 saac ah, iyadoo aan laga diiwaan gelin wax kiisas ah oo la xiriira cudurka.

    COMOROS – Jasiiradda Comoros ee ku yaalla Badweynta India ayaa sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka waxaan laga helin wax kiis ah oo la xiriira cudurka coronavirus.

    Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa ka digtay in coronavirus uu saameyn xun ku yeelan doono Afrika haddii aan la iska xil saarin in laga hortago, waxaana Afrika ugu wacan inuu kiisaskeeda yaraadaan inuusan jirin baaritaan weyn iyo qalabkii lagu baari lahaa oo aysan heysan dalal badan.

    Dalalka ugu darran ee Afrika uu cudurka Coronavirus halakeeyay waxaa ka mida South Afrika, Aljeria, Purkinafaso, Masar, Marocco iyo Tunisia.

    UPDATE: Laba dal ayaa ka baxay liiskan oo la shaaciyey in laga helay Corona Virus, waxaana ka mida:
    Burundi waxaa laga helay (2) kiis
    SierraLeone waxaa laga helay (1)

    Coronavirus Coronavirus worldwide Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXeebta Liido oo laga mamnuucay in loo dabaal tago iyo Amarro lagu soo rogay Hoteellada & Baararka
    Next Article Somalia Becomes 182nd Member of Multilateral Investment Guarantee Agency

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo