Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Liiska Magacyada Xildhibaanada Somali-Kenyan ee loo doortay Baarlamaanka cusub ee Kenya

    Liiska Magacyada Xildhibaanada Somali-Kenyan ee loo doortay Baarlamaanka cusub ee Kenya

    August 17, 2022Updated:August 18, 20223 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Doorashada guud ee dalka Kenya ka dhacday 9-kii Ogost 2022, waxaa lagu soo doortay xildibaanno iyo Senatooro ka mid noqday Baarlamaanka labada aqal ka kooban e dalka Kenya.

    Xubnaha soo baxay waxaa ka mida siyaasiyiin hore oo caan ah iyo kuwa cusub, waxayna ka kala tirsan yihiin isbaheysiga iyo xisbiyada dalka Kenya ee ay ugu waaweyn yihiin ODM (AZIMA) oo uu hoggaamiyo Raila Odinga iyo UDA oo uu hoggaamiye William Ruto.

    Liiska xildhibananada Xisbiga Raila odinga, waxaa ka mida:

    Faarax Macalin Dawaare– 10 sano ah kaddib ayaa dib loogu doortay xildhibaanka degmada Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-bari Kenya, wuxuu ku tartamayay xisbiga Raila Odinga.

    Faadumo Cabdi Jeexow- waxay ku guuleysatay kursiga wakiilka haweenka ee Wajeer, waxay ka guuleysatay haweenydii horay xilkaasi u haysay ee Faaduma Geedi. waxay ka tirsa tahay xisbiga ODM Raila Odinga.

     Maxamed Aadan Khaliif– wuxuu ku guuleystay kursiga Duqa Mandheera, wuxuu ka tirsan yahay xisbiga UDM ee Raila, wuxuu doorashada kaga adkaaday ilaa saddex musharrax oo la tartamayy.

     Cabdul Khaadir Maxamed Yuusuf Xaaji– wuxuu ku guuleystay sanatarka Gaarisa, wuxuu ka tirsanaa isbaheysiga uu horkacayo Raila Odinga.

     Junet Maxamed– waa nin si weyn ugu dhaw Raila Odinga, wuxuu ka tirsan yahay isbaheysiga Raila Odinga ee Azimio, wuxuu markii saddexaad ku guuleystay kursiga xildhibaanimo ee deegaanka baarlamaaneedka Sunna ee ka tirsan Migori Galbeedka Kenya. Waxa doortay Dad aan Soomalai ahayn Soomaali.

    Yuusuf Xasan- Xildhibaanka degmada Kamakunji ee magaalada Nairobi oo ay xaafadda Islii ka mid tahay markii afaraad ayuu ku guulaystay kursiga. Yuusuf Xasan wuxuu xubin ka yahay xisbiga Jubilee ee haatan ka tirsan isbaheysiga uu hoggaamiyo Raila Odinga.

    Axmed Cabdullaahi (Axmed Jiir): wuxuu markii labaad ku guuleystay kursiga Duqa magaalada Wajeer, wuxuu ka tirsan yahay xisbiga ODM ee isbaheysiga Azimio.

    Nadiif Aadan Jaamac: Waxaa loo doortay Duqa magaalada Gaarisa, wuxuu ka tirsan yahay xisbga UDM ee taageersan Raila Odinga.

    Cali Roba Ibraahim: waxaa loo doortay Senatoorka Mandheera, wuxuu ka tirsan yahay Xisbiga UDM ee Raila Odinga.

    Cabbaas Maxamed Sheekh: waxaa loo doortay sanator-ka Wajeer, wuxuu ka tirsan xisbiga UDM ee taagersan Raila.

    Mohamed Addow: Waxaa loo doortay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo laga soo doortay Koonfurta Wajeer, wuxuu ka tirsan yahay Xisbiga ODM ee Raila hoggaamiyo.

    Axmed Khaliif Aadan: Duqa Magaalada Mandhera, wuxuu ka tirsan yahay Isbaheysiga UDM ee Raila Odinga.

     Liiska siyaasiyiinta kusoo baxay xisbiga William Ruto

    Aadan Barre Ducaale-ayaa kursigiisii dib u hantay. Waxaa laga soo doortaa magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya. Wuxuu saaxib dhaw u yahay William Ruto, wuxuu ka tirsan yahay xisbiga UDA.

    Xuseen Cabdi Barre-Waxaa laga soo doortay deegaanka Tarbaj ee hoostaga magaalada Wajeer, wuxuu kusoo galay xisbiga UDA ee madaxweyne ku xigeenka William Ruto.

     Saalax Yacquub Faarax- waxaa laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Faafi ee ka tirsan Gaarisa, wuxuu ka tirsan tahay isbaheysiga siyaasadda ee uu hoggaamiyo Raila Odinga.

    Waxa xusid mudan in xildhibannada xisbiga UDM ee uu hoggaamiyo Cali Rooba ay 18-kii Ogost ku biireen Isbaheysiga Kwanza ee madaxweyne ku xigeenka la doortay ee William Ruto. (Halkan ka Akhriso)

    Kenya Elections Lisf of Somali-Kenyan MPS elected ODM Top UDA Xildhibaannada Soomaalida Kenya
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiir Fiqi oo Guddoomiye iyo agaasimeyaal u magacaabay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka
    Next Article Ruushka oo u hambalyeeyay William Ruto iyo Wafdi Mareykanka oo tegay Dalka Kenya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo