Waxaa si degdega ku socota diiwaan gelinta musharixiinta u tartamaya guddoonada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Doorashadooda ay dhcii doonto aakhirka bishan April 2022.
Aqalka Sare waxaa maalintii ugu horeysay shahadooyinka musharaxnimada qaatay musharixiin dhowr ah oo u taagan saddexda xil ee guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare.
HOOS KA AKHRISO LIISKA MUSHARXIINTA
I- Xilka Guddoomiyaha Aqalka Sare
Waxaa xilka guddoomiyaha Aqalka sare isu oo sharaxay:
1- Senatar Saalax Axmed Jaamac (Wasiirkii Dastuurka xukuumadda Soomaaliya)
Waxaa la filayaa inay sidoo kale xilkan isu sharxaan guddoomiyihii hore Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Wasiirkii Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe.
II- Xilka Gudoomiye ku xigeenka koowaad
Xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa isu sharxay:
1- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed
Musharixiin kale ayaa xilkan raadinaya oo la diwaangelin doonnaa maalmaha soo socda.
III- Xilka Gudoomiye ku xigeenka labaad
1-Senator Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag)
2- Senator Ilyaas Badel Gaboose
