Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirada, iyadoo wasiiro cusub la magcaabay, halka Wasiiro kale xilalka loo kala bedelay.
Wasiirada cusub ee la magacaabay ayaa kala ah:
1. Axmed Macalin Fiqi oo ahaa wasiirka Gudaha waxaa loo magacaabay, Wasirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.
2. Cali Yuusuf Xoosh oo ay xildhibaan waxaa loo magacaabay: Wasiirka Arrimaha-gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta
3. Senator Cabdullaahi Fartaag Sheekh Ismaaciil Fartaag waxaa loo magacaabay: Wasiirka Amniga-gudaha
4. XIldhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame: Waxaa loo magacaabay Wasirka Tamarta iyo Biyaha.
5. Maxamed Aadan Macalin (Maxamed Soomaali) waxaa loo magacaabay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta.
6. Axmed Cumar Maxamed, Wasiiru-dowlada wuxuu noqday Bay’ada iyo Isbedelka Cimilada.
Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Amniga ayaa bannaanaa muddo bilo ah, iyadoo weli aan la magacaabin Wasiirka Haweenka oo sidoo kale bannaan, kadib markii ay geeriyootay Wasiiradii hore.