Guddiga Farsamada iyo maamul u sameynta Galmudug ayaa ku jira saacadihii ugu danbeeyay soo saarinta liiska xildhibaannada cusub ee Galmudug.
Kadib markii heshiis laga gaaray xildhibaannadii ay soo magacawday Ahlu suna oo gaaraya 20 xildhibaan oo Guddiga la wareegay, ayaa wararku sheegayaan in 69-ka xildhibaan ee harsan ay intooda badan soo magacaabeen beelaha Galmudug, iyadoo lagu wado in si degdeg loogu dhawaaqay.
Xildhibaannada cusub ee Galmudug ayaa lagu wadaa in kulankii ugu horeeyay ay yeesheen Axadda ama Isniinta 5-ta Janaayo 2020, iyadoo markaas kadib la gudageli doono doorashada Galmudug, sida ay sheegeen xubno ka mida Guddiga Doorashada Galmudug oo muddo laba jeer ah dib ugu dhacay jadwal uu soo saaray.
Dhinaca kale madaxweynihii xilka ka dhammaaday ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa xilli danbe si lama filaan ah ugu dhawaaqay Guddi Doorasho, isagoo sheegay inuu wakiilnimadii kala noqday dowladda Federaalka.
Guddiga Xaaf ayaan la ogeyn halka uu ku shaqeyn doono, waxayna wararku sheegayaan inuu ka careysan yahay heshiis ay dowladda Somalia uga baxday oo ballanqaad hoose loogu sameeyay, iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay ee Xaaf sidan sameeyo haddana dib uga noqdo.
AKHRISO GUDDIGA XAAF MAGACAABAY
