Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Puntland»Lix ka mida Musharixiintii la tartamay Madaxweyne Deni oo Qoraal culus kasoo saaray xaaladda Puntland [Akhriso]

    Lix ka mida Musharixiintii la tartamay Madaxweyne Deni oo Qoraal culus kasoo saaray xaaladda Puntland [Akhriso]

    August 23, 2019Updated:August 23, 20193 Mins Read Puntland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Lix ka mida Musharixiinta la tartamay madaxweynaha xilkahaya ee maamulka Puntland ayaa soo saaray War-saxaafadeed xaladda Puntland ay mareyso ku dhwoaad 8 Bilood markii uu xilka qabtay Siciid C/llaahi Deni, iyadoo eedeyn u jeediyey qaabka uu Puntland u hoggaaminayo.

    Musharixiinta ayaa War-saxafadeedkooda uga hadlay 6 qodob oo uu ka mid yahay khilaalka soo shaac baxay ee u dhexeeya Madaxweyne Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, arrinta xuduudaha Puntland oo Deni lagu eedeyay inuu ka tanaasulay; shaqada xukuumadda, nidaamka maaliyadeed iyo arrimaha xuquuqda bani’aadamka iyo xoriyadda saxaafadda.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

    Annagoo ah siyaasiyiin iyo masuuliyiin u danqanaya Puntland, waxaan in mudda ah si dhow u la soconnay xaaladda Puntland ay ku sugantahay dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo tan Siyaasadda, mudaddaas oo dhan indhaha uun baan kala soconnay, annagoo raja ka qabnay in xaaladda wax laga baddali doono, laakin nasiib darro; waxay gaartay xaalad aan marnaba laga aamusi karin maxaa yeelay xil goonni ah ayaa naga saaran, maadaama aannu nahay kana mid nahay masuuliyiinta u danqanaya dadkooda iyo dalkoodaba.

    Maanta shacabkii waxay taaganyihiin xaalad aysan raalli ka ahayn sida xukuumadda hadda jirta wax u maamulayso, qabaa’illadu waxay bilaabeen si goonni, goonni ah ay aayahooda uga tashanayaan una shirayaan, waxay taasi ka turjumaysaa saluugga ay qabaan meesha uu gaarsiisanyahay, waana arrin wal-walkeeda leh oo Puntland midnimadeeda iyo wada noolaanshaheeda khatar galin karta.

    Xaaladda isfahan-waaga ee xukuumadda ka dhex aloosan ee ay la kowsatay haddana bannaanka u soo baxay iyo khilaafaadka siyaasadeed ee soo deg-degay oo u dhexeeeya madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland waa mid iyaduna walwalkeeda leh oo ku tusinaysa heerka habacsanaan iyo burburka dhinaca siyaasadeed ay Puntland la ildarantahay maanta.

    Puntland waa dhul lawada leeyahay oo ay tahay qof kastoo innaga mid ah inuu buuxiyo doorka iyo kaalinta ku soo aadda.

    Si looga gudbo xaaladda Puntland ay marayso maanta xukuumaddana ay u noqoto mid ka shaqaysa danaha Puntland oo iyadoo isla jaanqaadsan shaqeysa, waxaan kula talinaynaa qodobadaan hoos ku xusan:-

    1. Waxaa muqadas ah midnimada gobolada Puntland, iyo ilaalinta soodimaha/xuduudaha ku astaysan dastuurka dowladda Puntland. Waxaana waajib ku ah dawladda adkaynta ammaanka gobollada gacanta ku jira iyo soo celinta kuwa maqanba. waxay Puntland 21-kii sano ku gashay jiritaankeeda dagaalo culculus oo badan oo ay naf iyo maalba u hurtay, oo ay ugu danbeeyeen kuwii sanadkii hore, cid goonniya oo Puntland ka tirsan kama geli karto waan-waan iyo tanaasul, waxaana ugu baaqaynaa shacabka inay u midoobaan difaaca dalkooda.
    2. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Puntland Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan inay ku dhameeyaan wadahal iyo is-af-garad ayagoo u maraya xalinta khilfaadkooda si waafaqsan dastuurka oo aan dhanna looga leexan. Annaguana waxaan diyaar u nahay inaan dhex-dhexaadinno.
    3. Xukuumaddu waa inay ku mashquushaa danaha shacabka Puntland oo ah inay gaarsiiso adeegyada baahida badan loo qabo.
    4. Xukuumadda waa inay la imaataa nidaam maaliyadeed oo daah furan si loo xoojiyo kalsoonida shacabka iyo xukuumadda, lagana saaro shacabka shakiga galay in shaqsiyaad ay hantidoodii u samaysteen akoona goonniya oo iyaga u gaara ah.
    • Waa in dawladdu ka dhabeysaa gaarsiinta waddanka nidaamka xisbiyada badan ee (qof iyo cod), taasina waxay u baahantahy la tashi salbaalaran iyo in waddada la qaadayo iyo hanaanka loo marayo uu noqdaa mid siyaasiyiintu iyo beesha caalamka ee daneeyayaasha dalkeenna ay aqbali karaan.
    • Waa in la dhowraa xuquuqda bini-aadmaka iyo xorriyatul-qowlka iyo madax bannaanida saxaafadda, wixii cabasha ah iyo kala duwanaansho aragtiyada siyaasadeed aan lagu wajihin cabsi galin iyo cabburin ee loo maraa waddo sharciya ee waafaqsan dastuurka waddanka u deggan.

    SAXIIXAYAASHA BAYAANKA 1-AAD:

    1. Dr. Aadan Maxamed Ciise Gaadaale

    2. Jeneral Asad Cismaan Cabdullaahi

    3. Daahir Mire Jibriil

    4. Inj. Maxamed Cismaan CALI-MAAD

    5. Maxamuud Cabdi Axmed (Garlibaax)

    6. Jeneral Siciid Maxamad Xirsi

    Musharixiinta Puntland Puntland Siciid Deni
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaan Mahad Salaad: “Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku talo galay in uu uruursado Dad wax u dila..”
    Next Article Dowladda Kenya Hambalyo iyo talo ku saabsan Dowladda Somalia u dirtay Axmed Madoobe. [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo