Beesha caalamka ayaa weli ka caga jiideysa inay si toos ah u farageliso muranka ka taagan Doorashada Soomaaliya oo hore Madaxweynaha soomaaliya ugu riixeen inuu heshiis la gaaro maamul Goboleedyada markii la isku qabtay Doorasho Qof iyo Cod ah.
Qoraalkii ugu danbeeyay ee Beesha Calaamka xalay kasoo saartay arrimaha Doorashada waxaa ka muuqday in doorkeeda uu weli ku kooban yahay baaq ay u direyso madxada Soomaalida oo ah in heshiis laga gaaro fulinta heshiiskii Doorashada Dadban ee Muqdisho lagu gaaray 17- September oo fulintiisa la isku heysto.
Qodob ka mida kuwa ugu waaweyn ee Wakiilada Beesha Caalamka doonayaan in Doorashadan la dhaqan geliyo ayaa ah in la xaqiijiyo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee guddiyada, ergada dhexdooda, iyo kuraastaba, waxayna arrintan ka dhex muuqatay dhammaan war-saxaafadeedyadii Beesha Caalamka.

Qodobadda ugu muhiimsan ee Qoraalkii Beesha Caalamka ku jiray waxay kala
ahaayeen:
1- In heshiis laga gaaro sida loo xaqiijin doono qoondada haweenka ee 30% ee guddiyada, ergada dhexdooda, iyo kuraastaba.
2- In is-afgaranwaaga ka taagan Doorashada lagu xalliyo qaab ixtiraamaya heshiiskii siyaasadeed ee 17-kii bishii Sebtembar 2020 iyo hab-maamuusyada hirgelinta ee ay wada saxiixdeen madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.
3- Inay xasilooni darro abuureyso, isla markaana wiiqeyso sharcinimada Doorashada guddiyo is-barbar socda ama in la isku qasbo guddiyada maareynta doorashada ee lagu muransan yahay ee aan buuxin shuruudihii lagu heshiiyey.
4- In si deg deg ah dib ugu kulmaan madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, lana xiriiraan saamilleyda kale si loo xalliyo tabashooyinka ku saabsan maareynta geedi socodka doorashooyinka.
5- Inay doorashadu ku dhacdo waqtigeeda, daah furnaan, oo kalsooni lagu qabo oo oo ay wada aqbalaan dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyayaasha muhiimka.
6- In dhammaan daneeyayaasha ka waantoobaan hadal kasta ama fal kasta oo abuuri kara xiisado ama hurinta rabshado.