Xiisad iyo loolan adag ayaa ka taagan kursiga Beesha Absuge/Waceysle ee Aqalka hoose kadib markii dacwad iyo ololeyaal is barbar socda ay hareeyeen kursigan.
Kursigan ayaa oday dhaqameedka beesha Waceysle u qoondeeyay rag ku tartamaan ayaa hadda u muuqda kursiga kaliya ee u haray beeshaas oo ay qasab tahay inay haween ku soo baxaan.
Kursigii Beesha Cali Gaaf/Waceysle ayaa waxaa hore ugu guuleystay agaasime ku xigeenka madaxtooyada Saadaq C/kariin, laakiin waxaa ku socoto dacwad ku saabsan in musuq lagu qaatay lagana hor istaagay haweeney u tartami lahayd.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa olole weyn ugu jirta inay kursigan ku soo baxaan haween, waxayna diyaarisay ilaa saddex haween ah, taasoo hadda u muuqata inay u meel mari doonto kadib shaqo xoog leh oo ay geliyeen in kursigan uu noqdo mid haween.
Madaxtooyada Soomaaliya oo hore taageero ugu muujisay musharaxa Maxamed Cajiib Xaaji ayaa hadda u muuqata inay kursigaasi u ololeynayo sidii ay ugu soo bixi lahayd Sahra Cumar Maalin oo ka mida haweenka bulshada rayidka ah, taasoo ujeedkeedu yahay inuu badbaado kusriga xildhibaannimo ee agaasime ku xigeenka Madaxtooyada.