Sheekh Dr. Cabdirisaaq Aadan Macallim oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliyeed, saldhiggooduna yahay caasimadda Muqdisho ayaa kordhiyey Duruusta Diiniga ah ee uu bixiyo oo aad kala socon karto baraha uu Bulshada ku leeyahay.
Sheekha oo kaalin muuqata ka qaata Barashada Diinta iyo ku wacyigelinta dadka diinta islaamka, ayaa jeediya muxaadarooyin iyo casharo ku saabsan tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah, iyadoo aad hadda kala socon karto baraha Facebook iyo Youtube-ka.
Sheekh Cabdirisaaq ayaa ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo kaalintiisa wacyigelineed iyo hanuuneed ay si lixaad leh u soo muuqatay, iyadoo lagu yaqaan fasxaadn, deganaan iyo gudbin wanaasgan.
Sheekh Dr. Cabdirisaaq Aadan Macallin ayaa waxaa casharada uu jeediyo ka heli kartaa kanaalka uu ku leeyahay Youtube oo ah: Halkan
https://www.youtube.com/channel/UCJtbl5ZR0CPt5ybMuOmK2kw
Sidoo kale waxa aad ka daalacan kartiin boggiisa Facebook oo ah: Halkan
https://www.facebook.com/AbdirizakAdenM
