Dood badan ayaa ka dhalatay sida dhalinyaradda Soomaaliyeed ay u isticmaalaan aaladda baraha bulshada ee ‘Tiktok’, waxauna soo baxay dhaqan xumo iyo falal anshax darro ah oo ku baahay Soomaalida da’da yar ee adeegsata.
TikTok oo muuqaalo yar lagu wadaago, waxaa dhowaan la kordiyey waqtiga ay socon karaan muuqaalladaasi, waxaase soo baxaya baaqyo ku saabsan in laga xiro Soomaaliya, kadib markii uu isu bedelay bar anshax darro oo dhalintu ku fitnoobeen.
Dalal dhowr ah ayaa mamuucay aaladda Tiktok, iyadoo sababtu tahay arrimo amni iyo dhaqan-xumo. App-kan waxaa shirkadda Shiinaha ee ByteDance. Waxaa xusid mudan in Shiinaha oo laga leeyahay Bartan aan laga ogoleyn, lagana adeegsado mid kale oo bedelkiisa ah si loo koontaroolo.
Dalalka TikTok mamnuucay waxaa ka mida:
MAREYKANKA
Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu mamnuucayo, taasoo ahayd arrin siyaasadeed iyo amni markii uu welwel ka muujiyey xogta ay shirkadu ka ururinaysay dadka Mareykanka ee isticmaalayaasha TikTok, xayiraadda ayaa socotay muddo 45 maalmood ah.
SHIINAHA
In kasta oo TikTok asal ahaan uu ka yimid Shiinaha, haddana waa ka mamnuuc. Waxaa lo mamnuucay inuu faafiyo waxyaabo ku qoran luqado shisheeye, waana sababta loo sameeyay nooc Shiinees ah oo gaar, kaasoo la yiraahdo Douyin. Douyin wuxuu la mid yahay Tiktok waxaana sidoo kale soo saartay shirkadda Bytedance oo leh TikTok, balse waxaa kaliya lagu faafiyaa luqadda Shiinees-ka.
INDIA
Indiya ayaa laba jeer mamnuucday TikTok. Markii ugu horeysay waxay ahayd 3 Abriil 2019, sababtoo ah waxay ku eedeysay inuu dhiirigelinayo Anshax xumida oo lagu faafiyo dhaqan xumo aan habbooneyn. Mamnuucidan ayaa socotay 22 maalmood, iyadoo Maxkamadda Sare ee India ay beddeshay amarkeedii kadib markii TikTok ay sheegtay inay meesha ka saartay in ka badan 6 milyan oo muuqaal ah oo ku xadgudbay sharcigooda iyo habraacooda.
Markii labaad waxay ahayd 29 Juun 2020, xilligaas oo India ay dalkeeda ka mamnuucday 223 Apps oo Shiinees ah. Arrintan waxay jawaab u ahayd xiisad milateri iyo isku dhac ciidamada labada dal dhex maray, waxayna markaas India sabab ka dhigatay ilaalinta xogta iyo sirta dadkeeda.
BANGLADESH
Dawladda Bangladesh ayaa mamnuucday adeegsiga internetka ee TikTok, waxaana ay ku eedeysay in lagu baahiyo sawirada qaawan, anshax xumida iyo Khamaarka. Amarkan ayaa soo baxay Bishii Novembar 2018. Wadahadal dhex maray dowladda Bangladesh iyo shirkadda TikTok ayaa meesha looga saaray muuqaallo badan oo anshax xumo ahaa.
PAKISTAN
Bishii Oktoobar 2020 ayaa dalka Pakistan laga mamnuucay aaladda TikTok, laakiin waxaa laga noqday markii shirkadda iska leh ee ByteDance ay sheegtay inay hawada ka saareyso waxyaabaha lagu eedeeyay TikTok Pakistan.
Maarso 2021, waxay mar kale Pakistan dib u dhigtay in mamnuucida laga qaado TikTokm kadib markii Hay’adda Isgaarsiinta Pakistan ay sheegeen in shirkadda ByteDance aysan wada fulin dalkii ahaa inay meesha ka saarto muuqaallada la diidan yahay.
INDONESIA
Dalka Indonesia wuxuu July, 2018 wuxuu mamnuucay TikTok. Arrintan ayaa timid markii dowladda dalkaasi ay ku eedeeyay in lagu wadaago waxyaabo aan ku fiicneyn dhaanka sida muuqaallada qaawan iyo muuqaalo lagu aflagaadeynayo diinta iyo dhaqankooda.
Xayiraadda Indonesia saartay TikTok ahayd mid ku meelgaar ah oo laga qaaday marki ay bartasi ka saartay muuqaallo anshax-darro iyo xad-gudub lagu tilmaamay.
Dalal ayaa shirkadda TikTok ku soo rogha amarro ku saabsan inay hawada ka saarto muuqaallo gaara oo sharciyadooda ka horjeeda, waxaana dhinaca kale shirkadaha isgaarsiinta dalalkaasi ay xaddidaan waxyaabaha la daawan karo, haddii aku jiraan anshax xumo, waxaana jira hay’ado qaabilsan, halka Soomaaliya aanay ka jirin arrimahaas oo dhan.
