Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»MA OGTAHAY murugada ku hoos qarsoon Shirka Wasiirada Arrimaha dibadda IGAD ee Muqdisho?

    MA OGTAHAY murugada ku hoos qarsoon Shirka Wasiirada Arrimaha dibadda IGAD ee Muqdisho?

    January 9, 2015Updated:January 9, 20152 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa maalmihii ugu danbeeyay saxaafaddu hadal heysay shirka wasiirada arrimaha dibadda dalalka IGAD ee berito oo ku beegan 10-ka Janaayo ka dhici doona magaalada Muqdisho. Shirkan oo shaki la’aan ah markii ugu horeysay ee caasimada Soomaaliya marti geliso wuxuu magac ahaan sharaf u yahay dowladda Soomaaliyeed iyo magaalada Muqdisho, wuxuuna noqon doonaa mid taariikhda gala.

    Inkastoo shirku kusoo aaday iyadoo Soomaaliya aanay lahayn xukuumad rasmi ah, haddana inuu shirkaasi ka dhaco Muqdisho waxaa ku lamaansan arrimo kale oo dhibaatooyin ah qiime sarena ugu kacay ugu yaraan dadka Muqdisho ku nool.

    XAALKA JIDKA MAKA ALMUKARAMA SHIRKA IGAD DARTIIS
    XAALKA JIDKA MAKA ALMUKARAMA SHIRKA IGAD DARTIIS

    Boqolaal Ganacsi ayaa u xirmay shirkan dartii, waxaana loo xiray wadooyin halbowle u ahaa isu socodka magaalada oo ay ka mid tahay wadada Maka Almukarama, dad badan oo ku noolaa dhaqdhaqaaqa jidadkaasi ayaa shaqo la’aan soo wajahday muddo 72 saac ka badan, lama qiyaasi karo dhibaatada wado xirista uu keenay shirka IGAD. Magaalada bartamaheeda ilaa garoonka waxay isu bedeleen magaalada aakhiraad “Ghost city”  lagu arkayo oo kaliya dad lugeynaya iyo gaadiid ciidan oo is dhaafaya, micnuhu magaaladii kala barkeed waxaa nolosheedii naafeeyay shirka IGAD.

    This slideshow requires JavaScript.

    Dhinaca kale waxaa shirka lagu qabanayaa Hotelka lagu magacaabo SYL, hotelkan oo deeq ka timid dowlad shisheeye lagu dayac tiray, wuxuu ahaa hanti qaran oo dagaalku ku dhacay iyadoo dhismihiisu gabagabo yahay 1990-kii. Hotelkan waxaa lahaa ururkii Dhalinyarada Soomaaliyeed oo lagu waday inay shirarkooda ku qabsadaan.

    Sida la ogyahay hotelkan SYL waxaa markii deeq dowladda Soomaaliya la siiyay uu ku dayac tiray maamulka Gobolka Banaadir xiligii Maxamed Nuur Tarsan, lagu wareejiyay wasaaradii Warfaafinta iyo Dalxiiska xukuumadii uu hogaaminayay Cabdi Shirdoon Saacid. laakiin waxaa nasiib darro noqotay in hantidaas qaran la siiyay shaqsiyaad gaar ah oo Saacid xiriir dhow la lahaa.

    Shaqsiyaadkaas ayaa maanta hanti kale gashaday oo ka dhigtay il ganacsi oo ay leeyihiin iyadoo aan waxba la iska weydiin ayaa laga yaabaa inay dad badani markii muuqaalkiisa ay arkaan ku farxaan quruxda Hotelkani iyo magaca uu wato laakiin waxaa ku hoos duugan calool xumo la dhihi karo wuxuu Hotelkani astaan u yahay “MUSUQA IYO KU TAKI FALKA HANTIDA QARANKA” ee mas’uuliyiinta Soomaaliyeed caadada u noqotay inay ku sifoobaan inta yar ee ay xil umadeed hayaan.

    Wadani.com

    Muqdisho

     

    GJ-bannerhoose

    Caasimada Muqdisho Shirka wasiirada arrimaha dibadda IGAD
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG CUSUB: Xildhibaanada Beesha Daarood oo go’aan adag ka qaatay magacaabidda Golaha Wasiirada
    Next Article Muqdisho & Martida culus ee IGAD (Madaxweynaha oo cudurdaar siiyay dadka Muqdisho)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo