Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya shirkii lagu waday inuu maanta dhex maro Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa iyo Midowga Musharixiinta Madaxweynaha oo lagu balansanaa.
Wararkii ugu horeeyay ee soo baxay ayaa sheegayay in shirkaasi uu baaqday, kadib markii ay soo faragelisay Madaxtooyada oo dooneysa inuu baaqdo, kadib markii uu fashilmay shirkii saddexaad ee Farmaajo ugu yeeray Madaxda maamul Goboleeyda.
Dhinaca kale Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xubnaha dhexdhexaadinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta ayaa goor dhoweyd sheegay inuu shirku qorsheysan yahay, isla markaana uu dhici doono caawa, kadib maqribka.
Dhinaca kale afhayeenka xukuumadda Maxmed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri: “Shirkii uu Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la ballansanaa Midowga Musharaxiinta waxaa inshallah Decale uu ka dhacayaa fiidkan”
Shirkan ayaa muhiimad gaara leh, waxaana looga hadlayaa arrimaha doorashada iyo doorka Musharixiinta ku yeelan doonaan, iyadoo uu shirkan tijaabo u yahay awoodda Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta.
