Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Maalin madow oo ay xigeen maalmo kale oo madow [W/Q: Macalimuu]

    Maalin madow oo ay xigeen maalmo kale oo madow [W/Q: Macalimuu]

    August 11, 20163 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxa ay aheyd 11 Aug 2007 xilli subax ah, waxaa i soo wacay Maxamed Abuukar Ma’da oo codkiisu gariir uu jiro muragana laga dareemi karay,

    waxa uu ii sheegay in xarunta HornAfrik uu joogo Wariye Mahad Axmed Cilmi hadda dhaawaciisa loola cararay cisbitaal Madiina aad uu u daran yahay.

    Waxa aan u soo cararay cisbitaal Madiina wariyayaal dhowr ah ayaa cisbitalka iiga horreeyay waxa ay ii sheegeen in dhaqaatiirtu xaqiijiyeen in Mahad uu geeriyooday Eebe naxariistii Janno uu ka waraabiyo. Cagaha ayaa dhulka ku celin waayay, indhaheyga waxaa soo buuxiyay ilmo, sababtoo ah Mahad oo aan aad isu barnay ayaa aniga iyo badanba qaali ku ahaa.

    Waxa aan wada soconnay Wariye Maxamed Colaad Xasan, waxaa wariyayaashii halkaa joogay aan ka xusuustaa C/laahi Kulmiye Caddow, Saciid Tahaliil, Xasan Muuse Sabriye, Sahal Cabdulle, Mustaf Xaaji C/nur iyo wariyayaal kale oo aad fara badan.

    weriye-macalimuu-oo-farriin-muhiim-ah-u-diray-saxafiyiinta
    Maxamed Ibrahim Macalimuu

    Aniga Maxamed Colaad oo gaari wadanna ayaa waxaan aadnay Hornafrik ,waxa aan ugu tagnay meel gadaale oo odayaashu fariisan jireen oo ku dhextaal Hornafrik Allaha u naxariisto Cali Iimaan, Falastiin Axmed Iimaan, Saciid Tahaliil, Xasan Fanax, waxaa kadib inoo soo galay Sahal . Tacsiyeyen iyo is wareysi kadib aniga iyo Colaad ayaa waxaan cod ka duubnay Cali Iimaan oo si adag uga hadlay dilka wariye Mahad, hadaladiisa waxaan ka xusuustaa Mahad waxa dilay cid dooneysa in ay aamusiso saxaafadda madaxa bannaan .

    Markii aan duubista dhameynay ayaa waxaa noo yimid Wariye Maxamed Maxamud Dhoore oo aan BBC Somali kawada shaqeyneynay, waa xilligii salaadda duhur. Waxaan ka codsaday Dhoore in codka Cali Iimaan uu idaacadda ka gaarsiiyo anigana aaska ka qeyb galo, Mohamed Dhoore ayaa ku adkeystay inuu isagu ka qeyb galo aaska oo aniga aan idaacadda warka iyo codkaba u diro sidii baan ka yeelay aniga iyo Mohammed Olad Hassan mar kale ayaan dib isula soo noqonnay xilli la isu diyaarinayo in aaska laga wada qeybgalo oo ay Falastiin iyo Sahal Abdulle la joogaan Cali Iimaan iyo Saciid Tahliil.

    Warkii ayaan idaacada BBC ee labada duhurnimo ka gaarsiiyay laakiin intii idaacadda socotay ayaa waxa i soo wacay Dhoore oo ii sheegay inuu dul joogo meydka Cali Iimaan Sharmarke . Cali wuxuu ahaan jiray Boss-keyga Hornafrik naxdintii ayaa iga saaid caleysay, telefoon ayaan qabsaday waxa aan wacay Yusuf Garaad oo ahaa madaxa laanta Afka Soomaaliga ee BBC, waxa aan u sheegay warkii naxdinta lahaa ee geerida Cali Iimaan Sharmarke, isla idaacaddii aan ku sii deynay wareysiga Cali Iimaan ayaan hadana geeridiisii ku sheegnay oo waxaa si kooban u sheegay C/nur Shiikh Maxamed .

    Maalintaa wixii ka danbeeyay wariyayaasha badankood waxa ay bilaabeen in ay dalka ka cararaan laakiin in kale oo badan oo aan ku jirnay aniga Dhoore iyo Maxamed Colaad ayaa ka mid noqday dad ku sii nagaaday Soomaaliya oo ka sii shaqeeyay. Waxa naxdin taa la mid ah ay i soo martay maalintii la dilay Nasteex Daahir oo ahaa wariye qiima badan kaas oo Kismaayo lagu dilay kadib wax ka yar hal saac oo aan telefoon isku moogeyn.

    Maalmaha Madow wey badan yihiin ,inta dhimatay Allaha u naxariisto inta dhib uu soo gaaray iyo inta Eebe samatabixiyayba ilaaheey haka dhigo kuwii ka sheekeeya mustaqbalka xaalka oo sidan dhaama .

    W/Q: Maxamed Ibraahim Macalimuu

    Xoghayaha guud ee NUSOJ

    Cali Imaan Sharma'arke Dilkii Cali Iimaan Hornafrik Macalimuu Mahad Axmed Cilmi
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleIGAD & Itoobiya oo ka danbeeya in shirkii Maamul u sameynta Hiiraan & Sh/Dhexe oo wareejiyo Muqdisho
    Next Article XOG CULUS: Halkee ku danbeysay Qeybtii Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare..?

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo