Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Maalinta ay ku beegan tahay Ciidul Fitriga Sanadkan iyo Xilliga Bisha Soonfur la raadinayo (Warbixin)

    Maalinta ay ku beegan tahay Ciidul Fitriga Sanadkan iyo Xilliga Bisha Soonfur la raadinayo (Warbixin)

    May 10, 2021Updated:May 10, 20212 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa fartay dadweynaha dalkaasi inay raadiyaan dhalashada Bisha Shawaal (Soonfur) Maqribnimada Talaaladda Berri oo ku beegan 29-ka Ramadaan 1442.

    Dadka Sacuudiga ayaa leh goobo laga raadiyo dhalashada Bisha, iyo guddi qaabilsan, waxaana goobaha qaarkood yaalla qalabka lagu eego cirka ee Telescope-ka loo yaqaan, iyadoo caado ka tahay dalkaasi in si wadar ah loo raadiyo dhalasha Bilaha siiba Shacbaanka, Ramadaanka iyo Shawaalka.

    Waxaa Sacuudiga la mida inta badan dalalka islaamka oo Soomaliya ay ka mid tahay, kuwaasoo laga Bisha Soonfur raadinaya Maqribka Talaadada Berri oo ku beegan 11-ka May.

    Waxaa jira dalal kale oo islaam ah kuwaasoo oo Ramadaanka bilaabay Arbacadii 14-ka April 2021, kuwaas oo bisha Shawaal raadinaya maqribka Arbacada, waxaana dalalkaasi ka mida: Brunei, India, Bangladesh, Pakistan, Iran, Cumaan, Marocco iyo qaar ka mida dalalka Afrikaanka ee aan Carabta ahayn, waxayna dalalkan Ciidu u noqoneysaa Khamiista ama Jimcaha.

    Sanadkan waxaa la isugu khilaafay dhalashada Bishii Shacbaan. taasoo keenay in laba berri oo kala ah Talaado iyo Arbaco ay dalalka dunida Islaamka ay kala soomaan, waxaana dhinaca kale jira xarumo qaabilsan cilmiga xiddigista oo faallo ka bixiya suuragalnimada in bisha la arko iyo in kale.

    Machadka caalamiga ah ee Xiddigiska, qeybtiisa Islaamiga ee qaabilsan la socodka Bisha ayaa shaaciyey inaysan suuragal ahayn Maqribka Talaaladda ee 11-ka May 2021 in la arko Bisha Shawaal ama Soonfur, iyadoo Dayaxu dhaci doono Qoraxda ka hor, sidaasina ay keeneyso in Ramadaanka la dhammeystiro Arbacadda oo 30 maalmood la buuxiyo, iyadoo ciidul firtiga ay ku beegan tahay Khamiis 13-ka May 2021 oo ah maalinta koowaad ee Bisha Soonfur (Shawaal).

    Maqribnimada Arbacadda ee 30-ka maalmood ay soomeen dadka Islaamka intooda badan ayaa Bisha lagu arki karaa Telescope dalalka islaamka intooda badan, waxaa kaloo isha oo kaliya si dhib ah looga arki karaa dalalka Afrika, iyadoo dadka caadiga ah ay si fiican bisha u arki karaan dalalka Ameerikada Koonfureed iyo Waqooyi.

    Waxaa la rajeynayaa in Maalinta Khamiista lagu midoobo Ciidul Fitriga sanadkan oo labada dhinac ee dunida islaamka ee kala soomay Talaaladda iyo Arbacadda ay wada ciidi doonaan Khamiista oo ku beegan 13-ka May 2021. Insha Allaah.

    Bisha Shawaal Ciidul Fitriga Maalinta ciidul fitriga Sacuudiga Soonfur
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamadii Qowmiyada Tigray ee Nabad ilaalinta u joogay Dalka Sudan oo magangalyo waydiistay dalkaasi
    Next Article Farmaajo oo caqabad lama filaan ah hor dhigay dadaalkii Midowga Afrika ee dhexdhexaadinta Doorashada

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo