Magaalada Muqdisho ayaa maanta laga xusay maalinta Midowga Yurub ee 9-ka May iyadoo xaflad lagu maamuusay maalintaasi ay ka dhacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay xuska sanad guurada 61-aad ee aasaaska Midawga Yurub oo sanad kasta la xuso maanta oo kale, balse ay tahay markiii saddexaad ee magaalada Muqdisho lagu qabto xuska, wuxuuna hambalyo u diray dalalka Midowga Yurub.
Khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ayuu Ra’iisal wasaare Kheyre uga hadlay qiimaha xuska maalinta Midowga Yurub, xiriirk Soomaaliya iyo Midowga Yurub, isagoo soo qaaday shirkii dhowaan lagu qabtay Brussels iyo dhaqaalihii ay u ballan qaadeen midowga Yurub kaalmada iyo garab istaagga Soomaaliya.
Waxaa kaloo munaasabadda ka qeybgalay madax kala duwan oo ay ku jiraan safiirada dalalka Midowga Yurub u jooga Soomaaliya iyo madaxda Qaramada Midoobay.