Waxaa gebi ahaanba saameyn ballaaran uu ku yeeshay maqnaanshaha adeega Internet-ka Koonfurta Soomaaliya oo howlihii lagu qaban jiray ay xayiran yihiin.
Caawa ayey noqoneysa maalintii sedaxaad oo qadka Internet-ka uu ka maqan yahay magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada koonfurta Soomaaliya.
Maqnaanshaha Internet-ka ayaa ka danbeysay cilad ka dhaladay cable badda soo mara oo markab uu jiiray sida ay shaacisay wasaaradda Boosted iyo isgaarsiinta dowladda federaalka Soomaaliya.Agaasimaha Wasaaradda Axmed Xaaji Cabdi ayaa sheegay in markab uu jiiray halka ay iska galaan laba cable oo Internet-ka ah, oo ka kala yimaada Jabuuti iyo Kenya.
“Fiillooyin cable ah oo nooga kala yimaado dalalka Kenya iyo Jabuuti, ayaa meel ay iska galaan uu markab jiiray, hase ahaatee waxaa lasoo diray markab kale oo samaynayo.” ayuu yiri Agaasimaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Axmed Xaaji Cabdi.
Waxaa suuragal ah in ay maalmo qaaadan doonto xalinta ciladaan soo wajahday adeega Internet-ka.
Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa adeega Internet-ka laga isticmaala waxaa bixiya shirkaddaha Global iyo Hormuud oo ah kuwo isku xiran, inkastoo ay jiraan shirkaddo kale oo adeegooda aan inta badan la isticmaalin oo ku kooban Internet Caffe.a