Maalqabeenka iyo ganacsadaha ugu weyn Sacuudiga iyo dunida Carabta Amiir Waliid Bin Talaal ayaa ka mid noqday wasiiro iyo ganacsato lagu xirxiray dalka Sacuudiga.
Arrintan oo saxaafadda caalamka si weyn u hadal heyso ayaa si gaara loo eegayaan Amiirkan oo ganacsiyo iyo maalgelin badan ku leh dunida dacaladeeda, isla markaana lagu tilmaamo mid ka mida tagga dunida ugu taaajirsan.
Hantida uu heysto Amiir Waliid Bin Talaal ayaa majaladda Forbes ee arrimaha dhaqaalaha ka faaloota u sheegtay inay gaareyso 17 Bilyan oo Doolar. Wuxuu ahaa wejiga ganacsiga Sacuudiga leeyahay isagoo si joogto ah uga soo muuqan jiray telefishanda caalamka.

Qasriga uu magaalada Riyaad ku leeyahay ee sida la yaabka leh loo dhisay, kana kooban 42o-ka qol, diyaaradda sida gaarka ah loogu sameeyay ee Boeing 747 iyo guryaha shanta ah ee sida khiyaaliga ah loogu asteeyay beeraha iyo dooxooyinka waxay ka mid yihiin dunida is-nacday ee Amiirkan uu metelo.
Intaasi oo dhan kasoo tag Amiir Waliid oo 62 sano jir ah wuxuu saamiyo ku leeyahay shirkadaha waaweyn ee reer Galbeedka sida Citigroup, wuxuuna qeyb fiican ku leeyahay shirkadda Twitter-ka, iyo shirakadaha waaweyn ee Lyft iyo Time Warner.
Amiir Waliid waxaa dhalay wasiirkii hore ee Maaliyadda Boqortooyda Sacuudiga oo sanadihii 1960-meeyadii, wuxuuna sanadki 1979-kii sameeyay shirkadda weyn ee Kingdom Holding oo dhaqaale badan gelisay dhismayaasha magaalada Riyaad. 1990-kii wuxuu u wareegay Mareykanka isagoo maalgelin xoog leh ku sameeyay Citigroup.