Madaxda maamul Goboleedyada dalka ayaa la yimid qorshe halis ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay kulamo magaalada Nairobi kula yeesheen wakiilada Beesha caalamka.
Madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa akiilada Beesha Caalamka kala hadlay in taageerada dhaqaale ee loogu talogalay maamulladooda si toos ah loo siiyo oo aan loo soo marin dowladda Federaalka.
Arrintan waxay ka dhalatay markii dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmajo ay siyaasadeysay mashaariic ka socotay maamulladaasi oo ay ka xayirtay lacagtii, wixii ka dambeeyay markii uu khilaaf soo kala dhex galay, waxayna arrintan timid iyadoo beesha caalamka ay waday qorshe ay Somaliland si gaar ula macaamileyso.
Wararka ayaa sheegaya in wakillada beesha caalamka aysan wax go’aan ah siinin madaxweynayaasha maamul goboleedyada, iyagoo u sheegay inay kasoo fekarayaan arrintaasi. Waxaa kaloo madaxda maamul goboleedyada ka dalbadeen wakiilada beesha caalamka inay dowladda Farmaajo ku cadaadiyaan qorshe cad oo doorasho dalka ka dhacda si looga badbaado waqti kororsi.