Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Tuesday, July 1
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Maamul Goboleedyada oo ka hor yimid Sharci ay wado Xukuumadda Soomaaliya & K/Galbeed oo ka maqan

    Maamul Goboleedyada oo ka hor yimid Sharci ay wado Xukuumadda Soomaaliya & K/Galbeed oo ka maqan

    May 22, 20185 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Wasiirada Wasaaradaha hawlaha guud ee Maamul Goboledyada, marka laga reebo K/Galbeed ayaa ka hor yimid Sharciga Shismaha Hay’adda wadooyinka oo ay wado Wasaaradda Hawlaha guud ee Dowladda Federalka Soomaaliya.

    Warsaxaafadeedka oo dheeraa hoos ka akhriso:

    War-saxaafadeedkan, waxaa si wada jir ah u soo saaray: Wasiirada Wasaaradaha Hawlaha Guud ee Dawlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle.

    Sida aan wada ogsoonnahay dalkeenna Soomaaliya, wuxuu doortay ku dhaqanka nidaamka federaaliga ah. Waxaana lagu heshiiyey in si ku meel gaar ah loogu dhaqmo si wada jir ahna loo ixtiraammo dastuurka ku-meelka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

    Dastuurka ku-meel gaarka ahi, wuxuu mudnaantooda siinayaa mabaadi’da wada-shaqeynta iyo is-ixtiraamka heerarka kala duwan ee dawladaha federaalka sida ku xusan dhammaan qodobada Cutubka Shanaad ee Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah, gaar ahaan Qodobada 50aad, 51aad iyo 54aad.

    Waxaa lama huraan ku ah dhammaan heerarka dawladaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya in laga wada xaajoodo heshiisna laga gaaro arrimaha khuseeya siyaasadda iyo dhaqaalaha sida ku cad qodobka 54aad ee Dastuurka Ku-meel Gaarka ah.

    Arrimahan, waxaa ka mid ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo sharciyada lagu hagayo maamulkooda iyo maareyntooda sida (Waddooyinka, Gegooyinka dayuuradaha, dekedaha, kalluumaysiga iwm).

    Hase yeeshee, waxaa nasiib darro ah soona shaac baxday in xunbaha golaha wasiirada ee federaalka qaarkood aanay ilaa hadda gaarin farriinta siyaasadeed, nuxurka, ujeeddooyinka iyo guud ahaan mabaadi’da uu xambaarsan yahay nidaamka federaaliga ahi.

    Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyenta ee Federaalka, wuxuu shir lagu ansixinayo qabyo qoraalka hindise sharciyeed lagu dhisayo hay’adda waddooyinka (Draft Highway Authority Establishment Law) ku qabtay Muqdisho 15kii iyo 16kii bishan May 2018, isagoo ku casuumay inay ka soo qayb-galaan dad aan ka mid ahayn shaqaalaha kana wakiil ahayn wasaaradaha hawlaha guud ee dawlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle.

    Qabyo qoraalka sharcigan oo aan la marin heer ka mid ah heerarkii iskaashiga, wada-tashiga, go’aan gaarista iyo is-ixtiraamka lama huraanka u ahaa, waxaa wasaaraddu hawlaha guud ee federaalku, iyadoo marin habaabinaysa u soo gudbin doontaa Golaha Wasiirada ee Dawladda Federaalka iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

    Habraaca loo maray wada-tashiga sharcigan iyo ansixintiisa, waxay lid ku tahay ama khilaafsan tahay guud ahaan mabaadi’da nidaamka federaalka iyo hab-dhaqanka heerarka dawladda federaalka ah iyo sidoo kale qodobka 50aad, qodobka 51aad iyo Qodobka 54aad ee Dastuurka Ku-meel Gaarka ah ee Soomaaliya.

    Arrintan sida wasiirku u maamulay iyo habraaca uu adeegsaday ama rabo in lagu ansixiyo, waxay nagu beertay walaac, iskaashi la’aan, wada shaqeyn la’aan iyo kalsooni darro aan ka qabno wasiirka iyo hab-raaciisan aan xalaasha ahayn ee gurracan ee uu u marayo go’aan ka gaaridda iyo ansixinta sharciyada khuseeya hawlaha wasaaradaha hawlaha guud ee heerarka dawladda federaalka ah.

    Waxa kaloo xusid mudan shirkii 23-28 April 2018 ee lagu qabtay Muqdisho kuna saabsanaa mashruuca Tayeynta Wasaradaha Hawlaha Guud ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee uu maalgaliyey Bankiga Horumarinta Afrika (African Development Bank); fulintiisa ay u xilsaaran tahay haya’dda UNOPS inuu ku dhammaaday natiijo la’aan sababahan soo socda awgood:

    1. Heshiiska saddex geesoodka ah ee mashruucan Tayeynta Hay’adaha Hawlaha Guud – heer Federaal, heer dawlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir (Tripatite Agreement for Strengthening Institutions for Public Works) oo ay kala saxeexdeen Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Bankiga Horumarinta Africa iyo UNOPS 13kii Jannaayo 2017 – qodobkiisa 4aad, qaybtiisa 4.02 (ii) wuxuu shuruud adag ka dhigayaa in la sameeyo guddi haga mashruucan (Project Steering Committee); wuxuuna cayimay inay xubno ka yihiin hay’adaha hawlaha guud ee kor ku xusan. Guddigan oo magacaaban, waxaan muran ku jirin in shir guddoonka guddigan uu yahay Wasiirka Hawlaha Guud ee Federaalka Soomaaliya. Guddigan, waxaa xil gaar ahi ka saaran yahay inay go’aammo ka gaaraan arrimaha ay u arkaan inay muhim u yihiin hirgelinta mashruuca. Hase yeeshee, mudadii shirkani socda, waxaa soo if-baxday:
    i. in wasiirku shirkan ka hor gaaray go’aammo aan guddigu ka tashan, sida heshiiska lala galay Habitat oo qayb ka mashruucan;
    ii. wasiirku, wuxuu goobta shirka ka caddeeyey inuu go’aammo gaari karo keligiis isagoo metalaya Guddiga Hagidda Mashruuca (PSC).
    iii. Wasiirku, wuxuu dhagaha ka furaystay dhammaan talooyinkii laga soo jeediyey shirkaas iyo in shir-qoraal (munites of meeting) laga soo saaro.

    Sidaa darteed, annagoo kalsooni buuxda ku qabna Golaha Wasiirada ee Federaalka iyo 2da Aqal ee Baarlamaanka Federaalka inay dhowrayaan nidaamka federaalka, xeerinta Dastuurka Ku-meel Gaarka ah iyo maamul wanaagga (Good governance); waxaan go’aan ku gaarnay in aan arrimahan sida ugu sahlan ku gaarsiinno:

    1. Hoggaanada Sare ee Dawlad Goboleedyada;
    2. Ra’isal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada,
    3. Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya:
    A) Si ay u hubiyaan habraaca loo maray hindise sharciyeedyada ka hor inta aan la hor-keenin golaha wasiirada federaalka iyo 2da Aqal ee sharci dejinta; iyo

    B) Si looga feejignaado khaladaadka noocan oo kale ah oo aan markan u aragno khalad ka dhacay xubin ka mid ah Golaha Wasiirada soona noq-noqon kara;

    Waxaa naga go’an kuna han-weynnahay in heerarka kala duwan ee dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay sii wadaan iskaashigooda, wada-jirkooda, midnimadooda iyo in ay wada-shaqeyntoodu noqoto mid dadkeenna iyo dalkeenna u horseedda guul, horumar, barwaaqo iyo dhaxal ay ku faani karaan carruurteenna iyo jiilasha naga dambeeya.

    =========Dhammaad ==============================

    WA BILAAHI TOWFIIQ.

    Maamul Goboleedyada Sharci Wasiirada Howlaha Guud
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWiil Soomaali ah oo Toorey lagu dilay Magaalada London & Soomaali ka danbeeyay oo la qabtay [Sawirro]
    Next Article Rag ku howlanaa sameynta Baasaboorrada Dowladda Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo