Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa ka jira xuduudka u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna gobollada Dhexe ee Soomaaliya kadib xiisad la sheegay inay ka dhalatay labada dhinac oo laga dareemay inay ciidamo ka kala tirsan ay diyaar garow galeen.
Ciidamada Galmudug ayaa buuxiyay aaga Degaanka Godinlabe oo lagu soo rogay bandow, waxaana dhinaca kale halkaasi la geeyay maleeshiyo fara badan oo ka tirsan Ahlu suna oo ka tegay Dhuusamareeb iyo degaanada ay ku xoogan yihiin.
Dhaqdhaqaaqa labada ciidan iyo xiisada colaadeed ee ka jirta inta u dhaxeysa Mareer-gur iyo Godinlabe ayaa laga cabsi ayaa inuu isu bedelo dagaal weyn haddii aanay xaaladu isbedelin.
Daruur colaadeed ayaa u muuqatay inay dul hoganeyso gobolada dhexe iyadoo horeba loogu guul darreystay in arrinta lagu xaliyo wadahadal nabadeed.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]