Wasaaradda maaliyadda ayaa shaacisay inay maamul cusub oo KMG ah u magacawday maamulka Canshuuraha ee Dekadda Muqdisho, kadib markii dacwad lagu soo oogay maamulkii hore loo xiray.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa magacaabay Maamulaha KMG ah ee Furdada Canshuuraha Dekadda Muqdisho. Waxaana loo magacaabay Xasan Cabdicasiis Axmed (Baashe). inuu howshaasi sii wado.
Mas’uulka cusub ayaa xilka loo dhaariyay, tasoo ah arrin aan hore u dhicin oo cusub, waxaan sidoo kale la ogeyn in magacaabiddan uu ka war qabo wasiirka Maaiyadda, iyadoo madaxda qeybtasi loo magacaabayo ay caadiyan soo xuli jireen madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.