Allaha u naxariistee waxaa dadkii xalay ku geeriyooday weerarkii Baarka Banadir Beacha ka mid noqday Maamulihii Isbitaalka Somali-Germany ee magaalada Muqdisho Dr. Ibraahim Cali Xasan.
Sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa wuxuu Dr. Ibrahim ku sugnaa baarka xiligii weerarka ka dhacay, isagoo saaxiib la ahaa milkiilaha Baarka. Meydka Dr. Ibraahim Cali Xasan ayaa saaka waaberigii laga helay gudaha Banadir Beach Restaurant.
Wararka ayaa sheegaya inuu dhowaan Muqdisho ka hirgaliyay xarunta Caafimaadka Somali-Germany Hospital oo ka furan degmada Boondheere. Sidoo kale wuxuu hore marxuum Dr. Ibraahim Cali Xasan howlo caafimaad ka waday dalka Jarmalka oo xarunta Danyar Daryeel Service oo maamule ka ahaa.
Wadani.com