Amar kasoo baxay Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlu suna oo uu hogaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa shalay lagu wargeliyay idaacadaha ka howlgala degmada Guriceel iyagoo loo sheegay inay fuliyaan amarkaasi oo ku saabsan:
1: Inaysan baahin karin Wararka Maamulka Galmudug.
2: Inaan la baahin karin goosgoosyo wacyi gelin ahaa ku saabsan dowladda Soomaaliya.
3: Inaan la iidheh loo sameyn karin Goob Caafimaad oo aan Maamulka ruqsad ka heysan
Arrintan oo dood ka dhex dhalisay maamulka Idaacadaha Radio Galgaduud iyo Star FM ee Guriceel ka furan ayaa ku dooday in amarradan ay ka hor imaanayaan heshiis ay horey u kala saxiixdeen labada dhinac.
Amarkan waxaa bixiyay madaxa warfaafinta Degmada Guriceel Macalin Qaasim Sheekh Mire oo ku adkeystay fulinta amarkan. Ahlu suna qeybta goboladda dhexe ayaa cadaadis dheeraad ah ku heysa warbaahinta degaanadeeda ka howl gasha, iyadoo hore ay dhowr jeer isugu dhaceen labada dhinac.
Wadani.com