Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland ay Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo dib uga celiyeen Jeneraal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo loo magacaabay qeybta 43-ad ee Ciidamada xoogga dalka ee fadhigoodu yahay Jubbooyinka.
Ciidamada amniga ee Maamul goboleedka Jubbaland ayaa saaka garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku horjoogsaday Jen.Cali Bogmadow oo dhowaan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u magacawday taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidamada Xooga dalka, isagoo markii uu gaaray Garoonka Kismaayo loo sheegay inuusan halkaasi dhaafi karin, laguna amray inuu dib ugu laabto Muqdisho, amarkaasi uu ka soo baxay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Maamulka Jubbaland ayaa ku dooday in in magacaabidda taliyaha cusub loo maray wado khaldan oo aan lagala tashan maamulkooda, taasoo ay u daliishanayaan heshiiskii hab dhismeedka Amnigga 11 May 2017 ka dhacay London kaa oo qodobkiisii 20-aad.
Dhowaan ayey ahayd markii uu Axmed Madoobe beesha Caalamka u diray qoraal uu ku eedeynayo taliska ciidamada Xoogga dalka iyo dowladda Soomaaliya isagoo sheegay inay maamul xumo iyo qas ka abuureen qorshihii dagaal ee lagu qaadi lahaa Alshabaab.