Kadib is-rasaaseyntii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee dhex martay ciidamada Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe iyo taageerayaasha C/naasir Seeraar oo sheegta inuu yahay madaxweynaha Jubbaland.
Wasiirka warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada amniga Jubbaland ay fashiliyeen isku day ay Dowladda Federaalku ku dooneysay inay ku khalkhal geliso nabadgelyada magaalada Kismaayo, wuxuuna ku eedeeyay dowladda Federaalka inay lacag siiso ragga dhibaatada ka wada magaalada Kismaayo, sida uu yiri.
Wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa caddeeyay in ragga magaalada ku sugan ay mar hore meesha ka saari lahaayeen oo aanay ku qaadaneynin saacad, balse loo diray odayaal iyo dad kala duwan si xal loo helo, balse ay arrintaasi hadda soo gabagabowday oo aan loo dulqaadan karin, ayna go’aan ka qaadan doonto arrintooda.
C/naasir Seeraar ayaa dhinaciisa sheegay in Axmed Madoobe uu dhowaantan qorsheynayey inuu weerar ku qaado xarumahooda, arrintii shalayna ay ka mid tahay qorshahaasi uu kala yimid dalka Kenya.