Maaamulka cusub ee Gobolka Banaadir ayaa kulan gaara xafiiskiisa ugu tegay Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan oo hoggaaminayey ku xigeenada maamulkiisa, waxayna labada dhinac ka wadahadleen sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen kadib isbedelkii ku dhacay maamulka G/Banaadir.
“Maanta waxaa igu so booqdey Xafiiska Gudoomiyaha ahna Duqa Magaalada Muqdisho  iyo ku xigeenadiisa. Waxaan ka wada hadalney sida aan u wadashaqeyn laheyn. Waxaan u rajeynayaa in uu illaahey u la garab galo Howsha” ayuu yiri Wasiir Beyle oo ka hadlay ujeedka kulankooda.
Wasiirka Maaliyadda ayaa la sheegay inuu xumaa xiriirkii uu la lahaa maamulkii hore ee G/Banaadir, taasoo ay ugu wacneyd iyadoo maamulkaasi doonayey in 15% loo kordhiyo dakhlig kasoo xarooda dekadda iyo Garoonka Muqdisho.