Afhayeenka Maamulka cusub Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) ayaa uga digay Puntland inay joojiso faragelinta ay ku heyso maamulka Galmudug.
Afhayeenka oo uu dhowaan magacaabay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku eedeeyay Puntland inay jabhado ku hubeynayaan Galmudug, ayna gabbaad siiyeen maamulkii Ahlu suna oo uu sheegay inuu ahaayeen Shaqsiyaad dano gaar ah watey oo aan hadaf lahayn.
Isagoo ka hadlayey xaflad ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ayuu Afhayeenka maamulka cusub Galmudug uga digay faragelinta ay ku hayaan Galmudug. “Maamulka aan deriska nahay ee Puntland ha joojiyo jabhadaha uu ku hubeynayo Galmudug. Haddii Puntland ay joojin weyso ficillada ay wado waxay naga heli doontaa jawaabta ay mudan tahay” ayuuna yiri.
Afhayeenka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Gaas isku dayey inuu fashiliyo Galmudug, balse ku guuldarreystay, haddana uu arrintaas wado Madaxweynaha Puntland ee Siciid Deni, Wuxuuna ugu baaqay inuusan ka shaqeynin dhibaatada iyo tafaraaruqa Galmudug, wuxuuna caddeeyay inay arkaan ayna iska celin doonaan.