Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa shegay inuu xilalkii ka qaaday Guddoomiyihii Degmada Buulabarde C/casiis Duurow iyo Duqii Degmadaasi,waxaana lagu badalay maamul Cusub.
Gudoomiye ku xigenka Gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Cabdalla (Inji) oo hogaaminayay wafdi tegay Buula-barde ayaa sheegay in isbadal lagu sameeyay Maamulkii hore, isla markaana maamul cusub loo magacaabay. isagoo aan shaacin magacyada maamulka cusub.
Guddoomiyaha degmada Buulo-barde ee la sheegay in xilka laga qaaday C/casiis Duuroow Cali ayaa sheegay inuusan jirin xilkii ka qaaday, isagoo beeniyay in xilkii laga qaaday.
“Guddoomiye ku xigeenka aad sheegeyso ma jiro, ma jirto cid iga sareysa oo degmadaan timid warbaahinta ayaan ka maqlay ” ayuu yiri Guddoomiye C/casiis Duuroow oo la hadlay mid ka mida idaacadaha maxaliga ah.
Wadani.com