Maamulka Dekadda weyn ee Muqdisho ayaa xayiray Qalab ay leedahay safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho.
Qalabkan ayay maamulka dekadda dalbadeen in la baaro konteenaro uu ku jiray, balse waxaa ka biyo diiday safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya, taasoo keentay is-mari waa ku saabsan in qalabnkaasi ku xayirmo Dekadda Muqdisho.
Safiirka Imaaraadka ee Muqdisho oo arrintan kala hadlay madaxweynaha iyo Ra”iisal wasaaraha ayaa loo ogolaaday in iyadoo la baari qalabkaasi loo fasaxo, waxaana galabta tegay dekadda Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Ducaale iyadoo amray in la fasaxo alaabtaasi.
Safaaradda Imaaraadka Carabta ayaa si joogto ah dekadda Muqdisho ugala soo degta alaabo kala duwan oo ay ku jiraan qalab milateri oo qaarkood la siiyo maamul goboleedyada.