Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amray in muddo labo asbuuc ah lagu banneeyo dhul ay leedahay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo hadda dad shacab ah ay deganaayeen, kaasoo ahaan jiray Machadkii Boostada iyo Isgaarsiinta.
Dhulkan oo ku yaalla degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in dib loo dhisayo, waxaana maanta booqday Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliuiin kale, waxaana dadka danyarta ah ee degan xarunta Machadkaasi la faray inay muddo laba toddobaad uga guuraan.



