Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku wareejiyay muwaadin Soomaaliyeed oo gurigiisa laga hestay muddo ka badan 20 sano.
Gurigan oo caan ah, kuna yaalla degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, loona yaqaan Sarta Beyxaani oo ku yaalla Isgoyska Beyxaani ee Degmada Shibis, waxaana ugu danbeyn lagu wareejiyey dadkii xaqa u lahaa ee Qoyska Reer Axmed Xuseen.
Madaxda Maamulka G/Banaadir ayaa goobjoog ka ahaa wareejinta Hantidan oo si waanwaan ah ku dhacday.




